Casharka Kalfadhiga 18/19

Bogga 1/4 Ku hawlgelinta aabbayaasha daryeelka carruurta iyo dhallinyarada - ka shaqaynta bulshada deegaankaaga

Ku hawlgelinta aabbayaasha daryeelka carruurta iyo dhallinyarada – ka shaqaynta bulshada deegaankaaga

Kartida la adeegsanayo:

MAWDUUCA A: Aqoonta asalka raaca

  • Faham waxa u diidaya aabayaasha inay ku lug yeeshaan daryeelka qoyska iyo carruurta.
  • Faham saddexda shay ee ka qaybgalka aabbaha togan.
  • Faham muhiimada ka qaybgalka aabuhu u leeyahay ubadka iyo koriinka kurayda.

 

MAWDUUCA B: Qorshaynta shirarka beesha ee aabbayaasha

  • Sida loo qorsheeyo oo loo qabto kooxaha wada hadalka ee beeshaada si loo xoojiyo aabayaasha.
  • Ku dhiirigeli ka qaybgalayaasha in ay helaan habab cusub oo wanaagsan oo aabbayaasha looga qaybgeliyo qoysaska.
  • Isticmaal liiska hubinta si aad u raacdo tillaabooyinka qorshaynta iyo waxqabadkaaga.

 

Dulucda casharka  kal fadhiga

Casharkan tababarka waxa lagugu soo bandhigayaa caqabadaha haysta aabbayaasha Afrikada Bari, muhiimada ay leedahay ka qaybgalka aabuhu ee ubadka, iyo sidii aad bulshada ugu dhiiri galin lahaydeen in ay taageeraan hawlgelinta aabayaasha.

 

Ujeedooyinka kal fadhiga

Casharkan waxa uu ku siinayaa qalab aad ku noqoto fududeeye dhiirigelinaya. Waxaad ka shaqeysaa inaad ka caawiso bulshooyinka inay aabbayaasha ka qayb qaataan qoysaskooda, iyo abuurista xidhiidh adag oo dhexmara aabbayaasha iyo carruurta.

Doorkaagu waa inaad bilawdo shirar kooxeed bulshada deegaanka si aad u hawlgeliso aabayaasha. Marka aad ku celceliso casharkan, waxaad u tababari kartaa kuwa kale si ay u qabtaan shirarka bulshada iyo hawlaha xoojinta aabbaha.