Casharka kalfadhiga 7/19

Bogga 1/5 U beddelashada xanuunka adkaysiga: Caawinta carruurta inay ka gudbaan khasaaraha iyo falcelinta kala-tagga

U beddelashada xanuunka adkaysiga: Caawinta carruurta inay ka gudbaan khasaaraha iyo falcelinta kala-tagga

Kartida la adeegsanayo:

  • Xirfadda qorsheynta iyo ku dhaqanka wada-hadallada furan ee ku saabsan luminta iyo kala-tagga.
  • Sida aad khibradahaaga nololeed uga faa’iidaysan lahayd kheyraad sheeko ku dayasho leh.

  • Sida loo caawiyo carruurta iyo dhallinyarada inay fahmaan hab-dhaqankooda sida falcelinta dabiiciga ah ee khasaaraha.

  • Sida loo sameeyo waxqabadyo wax ku ool ah oo loogu talagalay carruurta yaryar halkaas oo khibradaha lumitaanka lagu xallin karo.

Dulucda casharka:

Casharkan tababarka waxa aad la shaqayn doontaa siyaalo aad uga caawin karto caruurtu in ay ka gudbaan waayitaanka waalidka, ka fogaanshaha waalidka, iyo dhacdooyinka kale ee u taagan khasaare ba’an ama kala tag degdeg ah.

 

Ujeedooiinka casharka kalfadhigan

 Hadafka ugu weyn ee casharkan waa in lagu tababaro wadahadal furan oo xog-waraysi leh oo lala yeesho carruurta iyo dhallinyarada ee ku saabsan falcelinta khasaaraha. Sidoo kale, sida loo abuuro waxqabadyo ay carruurtu ugu firfircoonaan karaan inay la jaanqaadaan duruufahooda nololeed markay la nool yihiin waalid la’aan.

FG: Waa in aad bilawdo kalfadhigan marka aad ka shaqaysay kalfadhiyada 2,3 iyo 5.

Waxay u yihiin dhismo aad si buuxda u fahantay nuxurka casharkan