Casharka kalfadhiga 8/19

Bogga 1/3 Sideed tahay,Maxaad qabanaysaa? Qiimaynta iyo Isku-dubaridida

Sideed tahay,Maxaad qabanaysaa? Qiimaynta iyo Isku-dubaridida

Kartida la adeegsandoono:

  • Dib u milicsiga nidaamka waxbarashadaada.
  • Isticmaalka khibradahaaga daryeele baraarin ahaan.

 

Dulucda casharkakalfadhiga:

Casharkan tababarka waxa aad dib u eegi doontaa shaqadaadii kal fadhiyadii aad soo dhamaysatay ilaa imika. Waxaad soo koobaysaa waxqabadkaagii iyo khibradaada inta aanad sii wadin kalfadhiga xiga ka hor.

 

Ujeedooyinka kalfadhiga:

Hadafka casharku waa in aad ka fikirto macalinkaaga iyo waalidka kale ee barbaariyeyaasha ah waxaad barateen iyowaxqabadyada aad ku guulaysateen, iyo sida aad xitaa si ka sii wanaagsan u wada shaqayn kartaan.

 

Kulankan wuxuu naga caawiyay inaan hubinno horumarka ilma kasta, si aan u hubinno aqbalaadda iyo taageerada shabakadayada bulshada, iyo sidii aan u sii wadan lahayn shaqadayada. Waxaan helnay  fikrado cusub waxaana dib u habayn ku samaynay habka aan u wada shaqeynayno.”

Warbixin Barbaariye