Casharkakal fadhiga 1/21
Bogga 1/5: Horudhaca waxbarashadaada iyo habka horumarkaaga. Hordhaca waxbarashadaada iyo habka horumarkaaga.
Sida agabkan loogu shaqeeyo:
Barnaamijkan tabobarka waxaa loogu talagalay dadka idinkoo kale ah, ee ah: Waalidiinta caruuraha dadka koriya waxaanu kusalaysanyahay tijaabooyin laga sooqaaday hawl maalmeedka dad kunool toban dal oo kala duwan kuwaas oo ku hawlan korinta carruurta yaryar ee kunool goobaha ka baxsan guryahooda
Cilmi-baadhayaal iyo khabiiro badan oo ku takhasusay Barbaarinta carruurta ayaa wadaagay aqoontooda ku saabsan waxa baahida carruurtu ay tahay marka laga eego dhanka daryeelka iyo barbaarinta. Iyada oo la adeegsanayo bandhigyo muuqaal ah (Video) oo ku saabsan daryeelka tayada leh, talooyinka iyo doodaha kooxeed, daryeele ahaan waxaad baran doontaa xirfado badan. Carruurtu si fiican bay u barbaari wax badana way baran doonaan.
Dhammaadka cashar kalfadhiga kasta, adiga ayaa go’aaminaya sida aad ugu dhaqmi doonto waxaad baratay xilligii casharka.casharadan lagu barayo waxay faa’iido yeelanayaan oo keliya haddii lagu isticmaalo waxqabadyada iyo shaqadaada maalinlaha ah iyo haddii aad qorsheyneyso in aad isbeddel ku samayso dhaqamadaada waalid caruurkale koriya ahaan inta aad barnaamikan ku dhex jirto.
Ujeedooyinka Casharka Kalfadhigan:
- Si loo fahmo sida loola shaqeeyo barnaamijka tababarka, sida loo wada shaqeeyo inta lagu jiro casharka kalfadhigan, iyo sida loo shaqeeyo inta u dhaxaysa kulamada casharada ee guriyaha lagu suganyahay.
- Si aad u fahamto in waayo-aragnimadaada nolosha aad ka heshay aqoon xirfadeed oo qiimaha leh oo kusaabsan shaqada daryeelka iyo barbaarinta caruurta