Casharka Kalfadhiga 14/19

Bogga 1/7 Waalidnimada iyo hagidda da'yarta laga soo bilaabo carruurnimada ilaa qaan-gaarnimada

Waalidnimada iyo hagidda da’yarta laga soo bilaabo carruurnimada ilaa qaan-gaarnimada.

Kartida la adeegsandoono:

  • Fahamka caqabadaha guud ee qaangaarnimada ee da’yarta iyo qoyskaba.
  • Maareynta xakamaynta iyo baahida madax-bannaanida: heshiis-kala qaadashada inta la xakamayn lahaa
  • Qorshaynta iyo ku dhaqmida la samaynta carruurta iyo dhallinyarada wada xaajood madax-banaan ee ku saabsan qaan-gaarnimada
  • U Isticmaalka waayo-aragnimaadaada hub ahaan

 

Dulucda Casharka kalfadhiga:

Casharkan tababarka waxa aad ku falanqaynaysaa oo aad qorshaynaysaa sidii aad ubadka u caawin lahayd una hagi lahayd marka ay caruurnimadooda u gudbayaan qaangaadhnimada, taas oo la macno ah habka marka ilmuhu uu noqdo da’yar ka dibna uu qaangaadho oo uu bilaabo in uu ku noolaado noloshiisa gaarka ah.

 

Ujeedooyinka Casharka kalfadhiga:

Hadafka Casharka kalfadhigu waa in la fahmo oo la maareeyo isbeddelada nolosha qoyska marka ilmuhu qaan-gaar noqdo, iyo sidoo kale sida daryeelayaashu u caawin karaan kagudubka marxalada carruurnimada iyo u gudibka qaan-gaarnimada. Daryeel-bixiyayaashu waxay inta badan la kulmaan dhibaatooyin xagga maamulka ah, marka dhallinyaradu ay doonayaan madaxbannaani. Dhalinyaro badan oo Afrikaan ah ayaa la kulma isku dhac ba’an oo ka  dhaca adduunkeenan sida degdega ah isu beddelaya: Kuma ayaan ahay, maxaase tahay waxa ay tahay  in aan ku sameeyo noloshan? Si loo garab qabto dhalinyarada si ay jawaab ugu helaan su’aalahan, casharkan u jeedadiisu waa in:

  • U diyaarita carruurta marxalada qaan-gaadhnimada adiga oo adeegsanaya wada xaajood.
  • Isu dheelitirka xakamaynta iyo ka-qaybqaadashad ogalaanshaha da’yarta
  • Dhisida xiriir adag si aad uga caawiso caruurta isbadalka marxalada caruurnimadiisii ilaa qaangaarnimadiisa