Casharka Kalfadhiga 15/19

Bogga 1/7 Udiyaarinta caruurta xanaanada ka baxaya noloshada bulshada dhexdeeda

Udiyaarinta caruurta xanaanada ka baxaya noloshada bulshada dhexdeeda

Uwezo na umahiri unaotakiwa kutekelezwa:

  • Fahamka ka wareegida daryeelka xanaanada iyo u guurida nolosha qaangaadhka ee nololsha madax banaan
  • Fahamka saddexda caqabadood ee waaweyn ee ilmaha daryeelka ka baxa ee Bariga Afrika
  • Maxaan ka baran karnaa markaan dhageysanno kuwa khibradda leh ee ka tagay xarunta daryeelka?
  • Tababarka xirfadaha maalinlaha ah iyo madax-bannaanida carruurnimada
  • U diyaarinta dhallinta ka tagista daryeelka
  • Latalinta iyo ka mid noqoshada bulshada daryeelka ka dib
     

Mawduuca casharka kalfadhiga : Casharkan tababarka waxa lagugu soo bandhigayaa caqabadaha waaweyn eesoo wajaha dhalinyarada  ka soo baxa xarumaha daryeelka Bariga Afrika. Waxaad heli doontaa dhiirigelin ka hadalaysa  sidii  aad u diyaarin lahad  da’yarta  ka tagaya xarunta  daryeelka nolosha bulshada dhexdeeda – sida loo diyaariyo iyaga laga bilaabo caruurnimada si ay u hogaamiyaan nolol madax banaan oo bulshada dhexdeeda ah.

 

Ujeedooyinka casharka kalfadhiga: Si lagaaga caawiyo qorsheynta taageerada bixiyeha daryeelka adiga oo u diyaarinaya carruurta iyo dhalinyarada nolosha bulshada dhexdeeda daryeelka ka dib. Waxaad diiradda saari kartaa mid ama in ka badan oo mawduucyadan ah :
1. Xirfadaha tababarka iyo madax-bannaanida carruurnimada.
2. U diyaarinta dhalinyarada inay ka baxaan daryeelka.
3. La-talinta iyo hababka loogu daro bulshada daryeelka ka dib.