Casharka Kalfadhiga 3/19

Bogga 1/6: La wareegida ilmo daryeelka Barbaarineed

La wareegida  ilmo daryeelka Barbaarineed

Kartida la adeegsado:

  • Abuuridda wacyiga ku saabsan sida carruurtu uga jawaabaan isbeddelka daryeelayaasha.
  • Ka caawinta ubadku inay ku dhex dareemaan ammaan qoyskaaga baraarinta gudihiisa.

Dulucda casharka Kalfadhiga:

Casharkan tababarka waxa lagugu bari doonaa sida caruurtu uga jawaabicelin karaan qoys iyo deegaan cusub, iyo sida aad uga caawin karto ilmaha in uu ku dareemo amaan goobta cusub, qoyskaaga barbaarinta.

 

Ujeedooyinka kal fadhiga:
Ujeedada casharku waa in lagu siiyo faham ku saabsan sida carruurtu uga jawaab celiyaan meelaynta cusub, oo ay ku siiyaan talooyin aad kula qabsanayso muddada ugu horreysa ee meelaynta.

Fiidiyowgan macalinka SOS-Fairstart Husna, oo u dhalatay Tansaaniya, ayaa ku sharraxaysa sida ay u bartay kooxdeeda daryeelayaasha inay si habboon u soo dhaweeyaan qoyska ilmaha la barbaarinayo. Qaabilaadda ubadku waa geedi socod kala-guur ah oo kuma eka keliya ilmaha ee ilmaha laakiin waa mi ay ka simanyihiin qoyska oo dhan. Husna waxay si fiican u sharraxday sida loo abuuro isfahan