Casharka Kalfadhiga 15/19

Bogga 7/7 Nashqadaynta qorshe hawleedka

Nashqadaynta qorshe hawleedka

Fadlan la falanqee, naqshadee, oo qor qorshahaaga shaqo: maxaa aynu qaban doonaa, yaa qaban doona, sideese loo qiimayn karaa waxa aanu samayno? Waxaad dooran kartaa oo aad qorshayn kartaa shaqada hal ama in ka badan ee koox ama mawduucyo:

    Carruurnimo

    • Sideen u habayn karnaa nolol maalmeedka qoyska barbaarinta, si markaa carruurtu ay u noqon karaan kuwo lajaan qaadi kara bulshada?
    • Sidee ayaynu shaqayn karnaa si aanu u barno carruurta xirfadaha aasaasiga ah, oo aanu ku dhiirigelin karinaa inay sameeyaan qiimayno madax banaan iyo go’aamo u gaar ah? Sideen meel ugu samayn karnaa uguna dhaqmi karnaa si waafaqsan go’aanada dhalinyarada.

     

    Da’yar/Barbaar

     

      • Sideen ugu diyaarin karnaa dhallintayada inay bartaan xirfado shaqo oo fudud si ay nolol u helaan?
      • Sideen ugu sheegi karnaa sida loola tacaalo caqabadaha daryeelka ka dib? (haddii ay suurtagal tahay, fadlan ku dar macluumaadka ku saabsan hab-dhaqan galmo badbaado leh).
      • Sideen u qorsheyn karnaa dhacdo bulsho si aan u calaamadeyno xaaladdooda cusub ee qaangaarka madax-bannaan?
      • Sidee bay shaqaalaha SOSCV iyo waalidiinta barbaarintu u wada shaqayn karaan si ay kalsooni iyo hagitaan si habsami leh ugu wareejiyaan?

     

    Latalinta iyo shabakadaha asxaabta daryeelka ka dib

      • Immisa jeer ayay tahay inay la-taliyeyaal iyo daryeel-bixiyeyaashu kulmaan?
      • Miyaynu u samaynaa kooxo dhalinyaro rag iyo dumarba leh , mise kulamo gooniya oo aan la yeelano rag rag ah oo la taliyaa, dumarna hagayaan?
      • Fadlan naqshadayso sawir gacmeedka koowaad ee ajandayaasha latalinta iyo shirarka dhalinyarada. Waa maxay mawduucyada doodaha ee ugu habboon, marka loo eego khibradaada?

    Xarunta SOS iyo shaqaalaha hay’ada Fairstart Foundation waxay u mahadcelinayaan carruurta iyo dhallinyarada, sida aad ula wadaagteen waayo-aragnimadooda iyo talada naqshadda kal fadhigan. Waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa cilmi-baarayaasha Bariga Afrika oo bixiyay dulmar guud oo ku saabsan daryeel katagista.