Casharka kalfadhiga 8/19

Bogga 2/3 Horudhac mawduuca: Ka tarjumaysa horumarkaaga xirfadeed

Horudhac Mawduuc: Falanqaynta horumarkaaga xirfadeed

Sida ugu fiican ee qiimayntan loo samayn karo waa in laga doodo oo la la falanqeeyo kooxda su’aalaha hoos ku xusan.

Macallinka ayaa ku weydiin kara su’aalaha oo qori kara jawaabahaaga. U jawaab hal ilme markiiba.

Fadlan si wadajir ah u falanqeeya  su’aalaha soo socda:

HORUMARKA ILMAHA

  1. Ma u malaynaysaa in cuntada ku filantahay qoyskaaga?
  2. Ma Aragtay ilmaha oo wax baadhaya oo wax baranaya, mise waa mid aan daganayn oo daganaansho raadinaya
  3. Koriinka ubadku ma u socdaa sidii aad filaysay ?
  4. Waa maxay horumarka ugu wanaagsan ee aad ku aragtay dhaqanka ilmaha?
  5. Maxaa weli ku adag ilmaha xagga xidhiidha bulshada ?
  6. Haddii ay jiraan : Siduu yahay xidhiidhka wada shaqaynta qoyska idinka iyo qoyskii ilmaha dhalay?
  7. Miyaad haysaa hab aad u wada shaqaysaan waalidkii ilmaha dhalay iyo adigu ?
  8. Waa maxay khibrada ugu muhiimsan ee aad ilmahan kala kulantay   – adoo eegaya habka aad u dhaqanto, waa maxay waxa hirgalikara iyo waxa aan u muuqan in uu hirgalayo?

XIRIIRKA AAD LA LEEDAHAY MAAMULKA IYO XIRFADLEYAASHA

  1. Sidee u horumarisay xidhiidhka  wada shaqaynta ee idinka dhexeeya  shaqaalaha adeega bulshada eecaruurta?
  2. Sidee buu u horumaray xidhiidhka aad la leedahay kormeeraha ama maamulaha qoyska barbaarinta?
  3. Waa maxay waxa aad aad ugu qanacsan tahay?
  4. Maxaad codsan lahayd inay ku taageeraan, iyadoo lagu salaynayo iskaashigaaga – maxaad ugu baahan tahay si aad u daryeesho ilmaha?

XIDHIIDHKA QOYSKAAGA

  1. Sidee korinta ubadku u saamaysay xidhiidhkaaga guur?
  2. Xidhiidhka qoyskaagu ma soo hagaagay mise wuu sii adkaaday?
  3. (Haddii ay jiraan): Sidee korintu u saamaysay xidhiidhka aad la leedahay ilmahaaga ama carruurtaada?<
  4. Maxay carruurtaada (haddii ay jiraan) ka barteen tan?
  5. Miyay noqdeen kuwo ka masuula oo fahmaya, mise waxay u arkaan in ay kugu kordhinayaan culays?
  6. Saaxiibadaa, qaraabadaa iyo deriskaagu ma kuwo aad u fahansan oo kaalmeeya daryeelkaaga barbaarinta caruurtaa?
  7. Waalidka dhalay ma aqbaleen in ilmuhu kula nool yahay?
  8. Ilmuhu ma yeeshay faham wanaagsan oo ku saabsan inuu yahay ilmo ku sugan daryeelka barbaarineed?
  9. Arrimahan teebaad u malaynaysaa in ay wax iska badaleen, keese weli u baahan fiiro gaar ah in aad siiso?

Habdhaqanka waalidnimo ee ku lifaaqan suuban

  1. Ma ku suurtagashay inaad noqoto mid la saadaalin karo oo isku xidhan si aad ugu jawaabto ilmaha?
  2. Ma kuu suurtagashay inaad dareento?
  3. Ma u suurtagashay in aad u adeegto ilmaha markii uu u baahnaa raaxo?
  4. Ma kuu suurtagashay inaad la dareento ilmaha oo aanad jeclayn ilmaha?
  5. Ma kuu suurtagashay inaad ilmaha kala fikirto waxa uu dareemayo iyo sida uu u arko dadka kale?
  6. Maxaad ka baratay ku-dhaqanka hab-dhaqan waalidnimo oo sugan?
  7. Dabeecadahan kee baad ogaatay inuu ugu adag yahay ilmahan la korsaday?

SHAQADAADA XIDHIIDHKA ILMAHA EE LA facood

  1. Sideed ku sifayn lahayd cilaaqaadka ubadka uu la leeyahay asxaabta kale?
  2. Ilmuhu saaxiibbo ma helay sidee baad u taageertay?
  3. Maxaa weli ku adag cunuga inuu saaxiibo helo oo uu la xiriiro?
  4. Ma la samaysatay xidhiidh wanaagsan daryeel bixiyayaasha kale (macalimiin, xanaano-maalmeed, tababarayaal hawlo wakhti firaaqo ah?
  5. Maxaad u malaynaysaa inaad ku guulaysatay maxaase weli u baahan dareenkaaga?