Casharka Kalfadhiga 15/21
Bogga 1/7 Udiyaarinta caruurta xanaanada ka baxaya noloshada bulshada dhexdeedaUdiyaarinta caruurta xanaanada ka baxaya noloshada bulshada dhexdeeda
Uwezo na umahiri unaotakiwa kutekelezwa:
- Fahamka ka wareegida daryeelka xanaanada iyo u guurida nolosha qaangaadhka ee nololsha madax banaan
- Fahamka saddexda caqabadood ee waaweyn ee ilmaha daryeelka ka baxa ee Bariga Afrika
- Maxaan ka baran karnaa markaan dhageysanno kuwa khibradda leh ee ka tagay xarunta daryeelka?
- Tababarka xirfadaha maalinlaha ah iyo madax-bannaanida carruurnimada
- U diyaarinta dhallinta ka tagista daryeelka
- Latalinta iyo ka mid noqoshada bulshada daryeelka ka dib
Mawduuca casharka kalfadhiga : Casharkan tababarka waxa lagugu soo bandhigayaa caqabadaha waaweyn eesoo wajaha dhalinyarada ka soo baxa xarumaha daryeelka Bariga Afrika. Waxaad heli doontaa dhiirigelin ka hadalaysa sidii aad u diyaarin lahad da’yarta ka tagaya xarunta daryeelka nolosha bulshada dhexdeeda – sida loo diyaariyo iyaga laga bilaabo caruurnimada si ay u hogaamiyaan nolol madax banaan oo bulshada dhexdeeda ah.
Ujeedooyinka casharka kalfadhiga: Si lagaaga caawiyo qorsheynta taageerada bixiyeha daryeelka adiga oo u diyaarinaya carruurta iyo dhalinyarada nolosha bulshada dhexdeeda daryeelka ka dib. Waxaad diiradda saari kartaa mid ama in ka badan oo mawduucyadan ah :
1. Xirfadaha tababarka iyo madax-bannaanida carruurnimada.
2. U diyaarinta dhalinyarada inay ka baxaan daryeelka.
3. La-talinta iyo hababka loogu daro bulshada daryeelka ka dib.