Casharka Kalfadhiga 14/19

Bogga 3/7 U kala gudubkii laga soo bilaabo caruurnimada ilaa qaangaarnimada

U kala gudubkii laga soo bilaabo caruurnimada ilaa qaangaarnimada

MARKA UU  ILMAHU NOQDO DA’YAR

Laga soo bilaabo caruurnimada ilaa loo gudbo qaangaarnimada waa wakhti isbedelo jidheed, maskaxeed iyo shucuureed oo qotodheer dhaco. Soo saarista hormoonka lama filaanka ah waxay keentaa in maskaxda iyo jidhku koraan dhowr sano gudahood, ilmuhuna wuxuu isu beddelaa qaan-gaar, awood u leh inuu soo saaro jiilka xiga. Isbadelkan  caruurnimada ilaa qaangaarnimada waxaa loo yaqaan baaluqnimada. Cilmi nafsi ahaan iyo cilmi bulsho ahaanba, dhallinyaradu waa inay si dagan uga tagaan oo ay uga guuraan daryeelayaashooda, oo ay  bartaan inay samaystaan shakhsiyad madax-bannaan, oo ay abuuraan xidhiidh bulsho oo cusub. Daryeel-bixiyayaashu waa inay helaan habab ay isku dheelitiraan daryeelka iyo u ilaalinta si xushmad leh, oo ay ku caawiyaan dhalinyarada inay maareeyaan noloshooda. Waqtiyada adag labada dhinac ba.

Xilliga qaan-gaadhnimada, ka mid noqoshada koox dhalinyaro kale ah ayaa si lama filaan ah uga dhigan tahay in ka badan xidhiidhka qoyska, doonista waxbarashada dugsiga ayaa isbedesha. Dhalinyaradu waxay dareemi karaan hilowga madax-bannaanida oo si dabiici ah ula socota  marxalada qaan-gaarnimada. Isla mar ahaantaana, waxay weli u baahan yihiin daryeel waalid iyo hagitaan. Waa wakhti iyaga aad  ugu adag, halkaas oo ay tahay inay la qabsadaan isbeddellada jidhka iyo dareenka cusub. Daryeelayaashooda sidoo kale waa inay helaan habab cusub oo ay ku bixiyaan daryeelka, iyo caawinta inta caruurtoodu isbedelayaan oo ay qaangaarayaan. Dhalinyaro badan, qaangaadhnimadu waxay u dareemi karaan buur aan suurtogal ahayn in la fuulo.

Hooyo barbaariso ahaan, waxay ii tahay murugo weyn inaan ka waaayo addeecidda dabiiciga ah iyo aaminaaddii aan ka heli jiray gabadha aan baraabiyo ee  Christina. Hadda ima dhegaysato, way i dhaleecaysaa, wayna baxdaa iyada oo aan sheegin goorta ay soo noqon doonto. Waxaan rabaa inaan siiyo xoogaa xoriyad ah si aan ugu caawiyo inay nolosheeda hagato. Dhanka kale, waxa aan arkayaa in aanay ka war hayn dhammaan khataraha ku xeeran, oo aanay u bislayn in ay garwaaqsato oo ay is ilaaliso.

QAAN-GAADHNIMADA IYO DA’YARTA  XANAANADA BARBAARINTA KU SUGAN

Carruurta lagu hayo goobaha daryeelka inta badan waxay la kulmeen dhaawacyo boholyow, waalidkood oo ay waayaan, ama dayac jidheed carruurnimadii. Waayo aragnimadani waxay ka dhigi kartaa noqdaan kuwo ka gudba marxalada caruurnimada oo u gudba marxalada qaangaarnimada xitaa  waa mid aad u adag. Ka cabsashada madax-bannaanida, ama u dhaqmida sida qof weyn xili aanu gaadhin xiligeeedii nolosha, waa dhibaatooyinka caadiga ah. Isbeddellada degdega ah ee niyadda waxay noqon karaan kuwo ka xoog badan sidii caadiga ahayd. Inta lagu jiro muddadan, ku-xirnaanta waxaa loo rogaa su’aal ah sida ka go’a iyo ka-soocidda saldhigga ammaansan ee guriga ay ugu dhici karto hab wanaagsan, si uu dhallinyaradu u noqdo mid wax bartay oo uu u hoggaamiyo nolol qaan-gaar ah oo madaxbannaan. Carruurta la kulma xadgudubyada daran, si xun loola dhaqmo ama caqabadaha markii ay dhallaan ahaayeen waxay inta badan  qaan-gaadhaan goor hore, qaarna waxay ku dhacdaa da’da 8-10 da’da. Tani waxay kordhinaysaa halista samaynta xilli hore iyo uurka  aan wakhtigiisii lagaadhin.

SIDEE AYAY DARYEEL-BIXIYAYAASHU ISUGU DUBA-RIDI KARAAN HABKA DARYEELKOODA?

Qaan-gaarnimada macneheedu waa in qaabka daryeelaha uu ka beddelo addeecidda una beddelo wadahadal, gorgortan, iyo heshiis ku saabsan xeerarka iyo xorriyadda. Dhallinyarada, wakhtiga saaxiibada iyo ardayda ay isku fasalka yihiin ayaa uga muhiimsan wakhtiga qoyska. Waa muhiim in la fahmo oo la aqbalo. Waa tallaabo dabiici ah oo loo gudbayo madax-bannaanideeda, ma shaqaynayso canaanta, edbinta  iyo xakamayntuna. Sidaa darteed, daryeel bixiye sidoo kale waa inuu noqdaa lataliye ama wehel: qof dhegaysta oo ka hadlaya caqabadaha da;yarta ee xidhiidhka isaga/ iyada iyo saaxiiba deed/diis. Had iyo jeer uma baahnid inaad la timaado xalal, sababtoo ah wada-hadallada laftooda, iyo hab-dhaqanka aqbalaadda waxay noqon karaan caawinaad weyn – mararka qaarkoodna gargaarka kaliya ee loo baahan yahay. Tusaale ahaan, nin dhallinyaro ah ayaa u xusuusta waalidkii barbaariyay sidan soo socota: Si kasta oo aan u jahwareeray, ama inta aan ka mudaharaaday, waxaan mar walba kala hadli karaa wax kasta way  idhegaysanayeen oo weligood ima eedeyn. Waxa ugu muhiimsan waa in daryeeluhu muujiyo naxariis, degganaansho iyo fahan go’aansan, iyo in daryeelayaasha iyo dhallinyaradu ku heshiiyaan go’aannada iyo xeerarka guriga.

SIDEE LOO LA SAMEEYAA XIDHIIDH WANAAGSAN DA’YARTAADA

Mudada lagu jiro qaan-gaarnimada xiriirka ka dhexeeya ilmaha iyo daryeelaha ayaa isbeddela. Iyada oo qayb ka ah horumarka ku wajahan madax-bannaanida, waa dabiici in muran iyo khilaaf uu ka dhex dhasho. Waa xilli ay isu soo xidhiidhka iyo isu soo dhawaanshaha ay noqon karaan kuwo dhicisooba.Da’yartu waxa laga yaabaa inuu bilaabo inuu wakhti la qaato dhalinyarada kale, oo uu daacad u noqdo kooxdan. Tani waxay u horseedi kartaa ceeb iyo go’doomin daryeelayaasha, diida inay dhegaystaan, ama si joogto ah ula doodaan daryeelaha. Inta badan waxay ku xiran tahay sida uu daryeelaha u doorbido inuu uga jawaabo marka caruurtu bilaabaan in ay ka hor yimaadaan xuduudaha.

Mudada qaan-gaarnimada, da’yartu waa inuu abuuraa is-fahan cusub oo madax-bannaan, oo inta badan isaga ama iyadu waxay u beddelan doonaan inta u dhaxaysa ku-tiirsanaanta carruurnimada, iyo isku dayida si ay u helaan madaxbannaani iyaga oo abuuraya kala fogaansho u dhexeeya isaga daryeelaha. Tani waa dabiici, laakiin waxay abuurtaa shaki badan oo ka dhex jira daryeelayaasha: Goorma ayuu qofku la qabsan karaa xannibaadaha iyo xeerarka, iyo goorma ayuu qofku muujin karaa kalsooni oo uu siinayaa masuuliyad dheeraad ah?

Cilmi-baaris la sameeyay waxay tilmaamaysaa in qaan-gaarnimada ay caqabad weyn ku noqon karto daryeelayaasha haddii dhallinyarada noloshu tahay mid ku bilaabmatay xaalad adag oo dayac ah, dhaawac ama waxyeelo soogaadhay awgeed awgeed. Sideed ugu fidin kartaa daryeel iyo hogaamin, adiga oo ku kaalmeeynaya da’yarta in ay go’aanadooda gaadhaan isna  maamulaan?

U  beddelka xakamaynta  xidhiidh sugan oo xor ah

Jidka ugu muhiimsan ee lagu taageero caruurta marka ay u gudbayaan qaangaarnimada waa dhisidda xidhiidh adag oo togan . Cilmi-baadhistu waxay muujinaysaa in kurayda xidhiidh adag la leh daryeelayaashooda ay leeyihiin dabeecada aan xumayn, ay leeyihiin dhibaatooyin caafimaad maskaxeed oo aan badnayn, iyo xirfado bulsheed oo wanaagsan iyo xeelado ay kula qabsadaan caqabadaha. Sidoo kale, Da’yarta xidhiidhka adag ee maskax furnaanta leh la leh daryeelayaashooda waxaa yar in ay ka qayb qaataan cabitaamnka khamriga, isticmaalka maandooriyaha iyo khatarta hab-dhaqanka galmada.

Helitaanka iyo dareenka daryeelaha ee wakhtiyada diiqada  ayaa muhiim u ah xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya daryeel bixiyaha iyo da’yarta. Dhallintu uma baahna isu soo dhawaansho jireed si uu u dareemo isku xirnaan ammaan ah, sida ilmaha socod baradka ah. waxa lagama maarmaan u ah dhalinyarada Waa taageerada ay ka helaan daryeelayaasha iyo u diyaargarowga wadahadalka. La xidhiidh oo sii boos. Xusuusnow inaad diyaar u ahaato mar kasta oo ilmahaagu kuu baahdo kuna dhiirigeli isaga/iyada inay iskudayaan samaynta waxyaabo yaryar oo la maarayn karo. Taasi waxay ka caawin doontaa inay la qabsadaan dhibaatooyinka nolosha ee marka dambe.

Daawo waraysigan gaaban ee lala yeeshay Paul iyo Wilkista, oo ku soo koray xaruunta SOS ee dalka Kenya oo la wadaagayaan khibrada ay ku soo mareenmarkay ka gudbayeen marxalada caruurnimada ee ay u gubdayeen qaangaadhnimada. Waxay ka hadlayaan ku  riyoodka  wax weyn iyo ku dhawaaqida, inay muhiim tahay inaad raacdo qalbigaaga oo aad raacdo riyadaada. Waxa kale oo ay la wadaagayaan taladooda da’yarta xilliga qaangaadhka ku jirta iyo sida ugu wanaagsan ee daryeelayaashu u caawin karaan.