Casharka Kalfadhiga 14/19

Bogga 4/7 Ugu bilaabitaanka caruurta iyaga oo yar wada hadalka ku saabsan qaan-gaadhnimada

Ugu bilaabitaanka caruurta  iyaga oo yar wada hadalka ku saabsan qaan-gaadhnimada

U diyaarinta caruurta waxa dhici doona marxalada qaan gaadhnimada

Carruurta kusugan daryeelka gaarka ah waxay badiyaa qaan-gaaraan inta aanay qaan gaadhin facooda ka hor, taasoo ay ugu wacan tahay caqabadaha nolasha ee uu soo maray, dayaca iyo nafaqo-xumada ay la kulmeen dhallaanimadii ama carruurnimadii. Waxay aad ugu baahan yihiin daryeelayaashooda caawinaad iyo hogaamin marka ay qaan-gaadhayaan. 

Mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee ilmaha loogu diyaariyo qaan-gaarnimada waa in lagu celceliyo wada-hadallo oo lagala sheekaysto qaan-gaadhnimada sannado ka hor inta aysan billaabin. Aasaaska wada-hadalku waa in la gu shaqmo kalsooni iyo wada hadal xor ah  xilliga carruurnimada. Carruurtu waa in ay la qabsadaan wada sheekeysiga maalinlaha ah ee ku saabsan fikirradooda iyo dareenkooda ku saabsan nolol maalmeedka: Wixii ka dhacay dugsiga, saaxiibtinimadooda, nadaafadda shakhsi ahaaneed, iwm. Tani waxay dhici kartaa wakhti kasta; xilliga nasashada galabnimo, ama xilliga cuntada fiidkii. Sidan, carruurtu waxay la qabsanayaan  in ay wax kula wadaagi karaan , tanina waa aasaaska ka hadalka arrimaha shakhsi ahaaneed iyo kuwa la midka ah, sida qaan-gaadhnimada.

Waxaad ka dhigi kartaa nolosha da’yatra mid aan aad u adkayn haddii aad udiyaariso ilmaha laga bilaabo da’ yar (8-10 sano jir) sida laga filayo marka jidhkooda ama maskaxdooda ay bilaabaan inay isbedelaan. Qaangaadhnimadu waxay ku  noqon kartaa carruurta mid cabsi leh  ama mid xiiso leh  labadaba, sidaas darteed aad bay muhiim u tahay in laga caawiyo inay fahmaan sida jidhkooda iyo shucuurtooda iyo qiyamkoodu isu beddeli doonaan. Tani waxay ka caawin doontaa inay dareemaan deganaan badan marka ay dhacdo maalin.

Sheeko  maalimeedka, waxaad ugu sharaxi kartaa ilmaha waxa ku dhici doona jidhka, sida aragtida jinsiga kale isu bedeli karto, iyo sida xidhiidhkiisu isu bedeli karo. Tani waxay dhici kartaa inta aad wada shaqaynaysaan, aad nasanaysaan, ama aad qabanaysaan hawlo kale. 

Waxa kale oo aad tixgalin kartaa in aad wada-hadalladan la yeelato sida qoysku ula sheekaysanayo carruurta da’ kasta leh. Tani waxay u fududaynaysaa carruurta yaryar inay fahmaan macnaha dhallinyaranimada, waxayna wax ka baran karaan dhallinyarada qoyska. Carruurta yaryari waxay inta badan dareemaan in dhallinta qoysku ka kaaftoomeen xiisihii ay u hayeen inay la ciyaaraan, oo ay seegaan saaxiibtinimada ay lahaayeen. Waxaad sharxi kartaa sababta ay da’yarta qoysku u niyad-dayoobeen. Wadahadalladan madaxa baanaan, waxaad ku abuuri kartaa xidhiidh sugan oo adag halkaas oo ilmuhu dareemo in uu la kulmay faham iyo cuqdad la’aan.

Waxaa intaa dheer, waxaad u diyaarin kartaa ilmaha qaangaarnimada iyo barbaarnimada  adiga oo ka qaybgelinaya qaar ka mid ah hawlahaaga. Waxa jira laba siyaabood oo tan oo samayn karo. Tababarka xirfadaha maalinleha ah, iyada oo ka dhigaysa ilmaha mid  masuul ka ah hawl maalmeedka inta uu korayo. Bixinta biilasha, dajinta miisaaniyada qoyska iyo ka soo adeega dukaanka, dayactir baaskiilka ama baabuurka, iwm. Habka kale waa in lagu bilaabo yaraynta ula dhaqmida sida waalid, ee loo la dhaqmo inta badan qaab xidhiidh bahwadaag ahaaneed oo ah wada hadal khibrad leh, kaas oo og waxa ku dhacaya jidhka, sida si aad xishoodka uga bi’iso oo uu ula hadali karto wiil ama gabadh uu jeceshahay, u sifee khaladaadka aad ka gashay daryeele wakhtigaaga nimada sidaad iskaga ilaalin lahayd saaxibka xun iwm.

Maxaa ugu muhiimsan marka caruurta looga sheekaynayo wax ku saabsab qaan-gaadhnimada

Wadahadalladan, waxaad isticmaali kartaa milicsigaaga wareysiga laba-iyo-laba-laba ah ee ku saabsan waaya-aragnimadaada intii aad barbaarka ahayd. Carruurtu waxay jecel yihiin inay maqlaan sheekooyinkan. Maxaa kugu adkaa, iyo siday kugu suurtagashay inaad noqoto qof weyn oo qaan-gaadh ah iyadoo ay jiraan caqabado badan. Fadlan hoosta ka xariiq in laga yaabo in sanadiadii da’da dhalinyaranimadaadu ay ahaayeen kuwo adag oo jahawareer leh, laakiin in dhibaatooyin iyo walaac badan ay meesha ka baxeen markii aad qaangaadhtay. Tani waxay u tahayda’yarta niyad-dajin.

U sheeg ilmaha in da’yarta  qaangaadhka ahi ay xanaaqi karaan oo ay ka niyad jabi karaan daryeelayaashooda. U sheeg caruurta in arintani ay tahay wax caadi ah oo ka mid ah tijaabinta madax-bannaanida iyo inaadan eedayn ama aadan ka niyad jabin da;yartaada.

Dabcan, waxaad sidoo kale ka hadli doontaa sharciyada sida qoyska dhexdiisa loo dhaqmo. Ku caawi ilmaha adigoo ka hadlaya dhalinyarada sida fiican u dhaqanta ee ku adag habdhaqanka wanaagsan  ee yidhaahda  maya khamriga shaqo kuma lihin, sigaarka shaqo kuma lihin, sidoo kale  kuma lug lihin saaxiibada xun. Sidoo kale, ka codso inay soo jeediyaan talooyin ku saabsan xeerarka guriga ee aad ku heshiin karto, si ay u bartaan sida looga qaybqaato oo ay kaagala heshiiyaan si firfircoon, halkii aad kaliya ku hoggaamin lahayd sharciyada aad samaysay.

Waxaa laga yaabaa in carruurtu aysan xiiseyneynin inay bartaan qaan-gaadhnimada xilligan. Laakiin way xasuusan doonaan waxaad ka hadashay, taasina waxay u sahlaysaa inay kalsooni kugu qabaan marka ay mar uun noqdaan dhalinyaro.

WAXQABADKA LA SOO JEEDIYAY: wada sheekaysiga  wanaagsan

Ma leedahay caruur dhawaan dhalinyaro noqon doona? Fadlan qorshee sida aad ugala hadli karto wax ku saabsan kagudubka caruurnimada iyo u gudubka marxalada qaangaadhnimada. Waa kuwan talooyin, fadlan isticmaal fikradahaaga oo qoraal ka samee.

 

  • Sideed uga dhigi kartaa carruurtaada inay bilaabaan wada sheekeysiga iyaga yar?
  • Soo hel hal ama laba sheeko oo ah xiligii sannadihii barbaarnimadaada oo ku saabsan waxaad la kulantay, dareentay ama aad ka fikirtay?
  • Ma laga yaabaa inaad haysatid sawiro aad ka tusi karto markaad dhalinyarada ahayd?
  • Waxaad u sheegi kartaa carruurta intee in le’eg ayay niyadooda isku bedeli kartaa xiliga qaan-gaadhnimada, iyo sida uu qofku mararka qaarkood u dareemo kelinimo, hadana daqiiqado kadib aad u faraxsan yahay?
  • Dhegayso oo kala hadal ilmaha waxa ay iyaga ula macno tahay kooxda isku faca ah, iyo inaad fahmtid in ay rabaan inay wakhti badan la qaataan.