Casharka Kalfadhiga 14/19

Bogga 2/7 Khariidaynta aqoontaada xirfadeed ee ku saabsan dhalinyarada

Khariidaynta aqoontaada xirfadeed ee ku saabsan dhalinyarada

Waa maxay waxyaabaha laga filayo iyo caqabadaha u soo baxa daryeelayaasha, marka ilmuhu gaadho qaan-gaarnimada oo uu noqdo kuray? Waxaan horeba u haysanay waayo-aragnimo qiimo leh oo ka timid dhallinyaradeenna.

Hawsha ugu horraysa waa waraysi laba-iyo-laba ah oo ku saabsan waayo-aragnimadaada ku aaddan caqabadahaaga dhallinyaranimo. Waxaad kooxda kaga wada hadli doontaan sidii aad khibradahan ugu isticmaali lahayd in aad fahanto oo aad ula shaqeyso dhalinyarada nolol maalmeedkaaga

LAYLI: MAXAYNU KA GARANAYNAA WAQTIGEENII MARXALADII DA’AYARNIMADEENII?

Waraysi  Labo- labo

20 daqiiqo

Isticmaal su’aalahan soo socda si aad isugu wareysataan labo-laba, midkiiba 10 daqiiqo

  1. Xaalad noocee ah ayaad la soo kulantay markaad ka gudnaysay marxaladii caruurnimada ee aad u gudbaysay qaangaarnimadaadii?
  2. Sidee buu isku bedelay xidhiidhkaagii bulsho ee aad la lahayd asaagaa?
  3. Sideed ula kulantay isbeddellada muuqaalka ee jidhkaaga?
  4. Sidee bay u beddelmeen aragtidaada, hab-dhaqankaaga iyo mawqifkaaga aad ka qabtay waalidkaa/daryeelayaashaada?
  5. Maxay sameeyeen waalidkaa iyo dadka kale ee waaweyn si ay kuu caawiyaan – maxay wax aan waxtar kuu lahayn sameeyeen?
  6. Gabagabadii: Maxaad u malaynaysaa in uu ahaa waxa ugu adage e ay waalidkaa la soo kulmeen markii ay ku korinayeen?

 

WADA XAAJOODKA KOOXDA

15 daqiiqo

Isticmaal waayo-aragnimadaada si aad uga hadasho oo aad u qorto saddex qiyam oo muhiim ah kuwaas oo lagama maarmaan u ah daryeelayaasha la shaqeeya da’yarta.

 

Qiyamka 1: Da’yarteenu waxay nooga baahan yihiin inaan  muujinno… (tusaale ahaan ixtiraam iyo faham, hagitaan, nidaam)

Qiyamka 2: Da’yarteenu waxay nooga baahan yihiin inaan…

Qiyamka 3: Da’yarteenu  waxay nooga baahan yihiin inaan…