Casharka Kalfadhiga 2/19

Bogga 2/4: Khariidaynta nidaamka qiimaha togan ee qoyskaaga.

Khariidaynta nidaamka qiimaha togan ee qoyskaaga.

Wadamo badan, qoysaska caruurta barbaariya waxaa lagu siiyaa lacag ay ku daryeelayaan ilmaha la korinayo. Waliba arintani waxay si gaar ah udhacdaa marka ilmaha lagu wareejinayo. Qaabilaadda ilmaha la barbarian doono waxay lamid tahay sida qoyskii oo ilma cusub u dhashay oo kale waayo waxaa reerka ku soo kordhay xubin cusub sidaa darteed waxa isbadalaya nidaamkii hore ee qoyska waxaana isbedalaya doorarkii masuuliyada xubnaha qoyska oo dhan iyo xiriirka qoyska oo dhan.

U DIYAARINTA QOYSKA SI AY U QABTAAN ILMAHA DARYEELKA BARBAARINTA LOO KEENAYO.

Waxaa jira laba hawlood oo ku saabsan qaabilaada ilmaha daryeelka barbaarinta:

  • Mid waa in la sameeyo diyaargarow wax ku ool ah sida go’aaminta meesha uu ilmuhu seexanayo.
  • Hawsha kale waa in loo diyaariyo maskaxda sidii loo caawin lahaa ilmaha lagu soo darayo qoyska. Tani waxay xitaa ka sii muhiimsan tahay xaaladaha la taaban karo, waxqabadka soo socda ayaa noqon doona hawshaada xirfadeed ee ugu horreysa. Waxay ku saabsan tahay helitaanka qiyamka togan, ee aad siin karto ilmaha.

Waa kan muuqaalka Mariam, oo la soo guurtay awoowgeed ka dib markii waalidkeed dhinteen. Waxay na siisaa aragti xiiso leh oo ku saabsan nolosheeda daryeelka xigaalka.