Casharka kalfadhiga 2/19

Bogga 3/4: Hordhac mowduuca: Mawduuca A iyo Mawduuca B

Mawduuca A: Sidee bay qiyamka nolosha qoysku u noqon karaan aasaaska waxqabadkeena qoys barbaariya caruur kale ahaan?

Ujeedada layligani waa in dhammaan xubnaha qoyska ay ka qayb qaataan habka ay u noqonayaan (ama ahaanayaan) qoys barbaariya caruur kale. Qoyska barbaariya caruuraha kale waa in ay caruurtaa baraan qiyamkooda iyo dhaqamadooda ugu wanagsan, qoyskan marka ay caruurta daryeelayaan waxay ku qaadanayaan oo logu siinayaa lacag. Qoyska barbaariye ahaan, lagaagama filayo inaad tihiin dad xirfadlayaal ah, laakiin si aad u ogaato waxa lagaa rabo in aad qabato ee daryeelka barbaarinta ah muddada dheer ee ubadka aad korinayso: waa Nololsha qoyska ee maalinle ah iyo daryeel. Layligani wuxuu caawin doonaa dhammaan xubnaha qoyska inay wadaagaan oo ogaadaan qiyamka aad siin kartaan ilmaha ku jira daryeelka korinta. Waa maxay waxa qoyskaaga ka dhigaya mid khaas ah: Diyaarso galab ama fiid aad ku hali kartaan adiga ah waalidka barbaariyaha ah  iyo ilmaha iyo caruurtaada (haddii leedahay) in muddo ah adoon dhibsan? Demi taleefannada gacanta Haddii aad leedahay saaxiib ama qoys oo aad u wanaagsan ama ayeeyo ama awoowe oo muhiim u ah qoyskaaga, sidoo kale waad martiqaadi kartaa. Haddii su’aalaha hore ay qaataan waqti badan, waxaa laga yaabaa inaad kugu qaadato laba galab ama fiid.

Qaado warqad oo qoraalo qaado (Haddii aad leedahay carruur adiga kuu gaar ah waxay samayn karaan sawir gacmeed).

  1. Si wada jir ah u wada shaqeeya si aad u qeexdaan maalin nolosha qoyskaaga ah oo aad dhammaantiin odhan lahaydeen maalintani waxay ahayd maalintii ugu wacnayd ee aad weligiin soo marteen – maalin aad is qadarin jirteen oo aad is jeclaateen, aad u wada qoslayseen oo aad u baashaaldeen. Ama waxaad dooran kartaa maalin aad dhammaan ku guulaysateen inaad si wada jir ah ula kulantaan tartan oo aad isu taageertaan in kasta oo walaaca jira. Fadlan midba midka kale u sharax maalintan – maxaad samaysay oo maalintan maalin wanagsan kadhigay?
  2. Soo Hel saddex shay oo qof kasta oo qoyska ka mid ahi uu aad ugu qiimeeyo nolosha qoyskaaga. Tusaale ahaan: Waxaan miiska cuntada ku yeelanaa wadahadalo wanaagsan, waan wada shaqayn karnaa marka loo baahdo, ama waxaan ku faanaa cidda aan nahay. U fiirso qiyamkaaga aasaasiga ah.
  3. Liis ka samee waxaad ka hadashay: waxyaabahaasi waa kartidayada qoys ahaan iyo qoys barbaariye ahaan.
  4. Weydii xubin kasta oo qoyska ka mid ah: Sideen ugu isticmaali karnaa tayadaada iyo kartidaada si aan u daryeelno ilmaha barbaarinta ah ee aan haynayno ama aan horay u haynay?

Mawduuca B: ka alaabulida dalad ama ururo degaankaaga: Baro dad taageerayaal ah.

Ku qor liis dad ahdaladaada/ ururada bulshadaada ah kuwaas oo laga yaabo inay la kulmaan ilmaha ama laga yaabo inay noqdaan kuwo muhiim u ah: Dadkaawaxay noqon karaa dukaanle jaarka ah, deriska iyo caruurtooda, saaxiibada ama qaraabada, xanaanada ama dugsiga degaankassd haddii aad qorsheyneyso ilmaha in uu isticmaalo  meelahaas .

Markaad la hadasho dadka ururadaas ama daladaas  waxaad u isticmaali kartaa munaasabad kasta oo bulsheed si aad u soo bandhigto mawduuca go’aankaaga ah inaad u ku shaqeyso qoys barbaariye ah ahaan. Waxaa laga yaabaa markaad la kulanto dad aad taqaan oo dariiqa jooga oo aad kala sheekaysato nolol maalmeedkaaga.

Waa fikrad wanaagsan inaad si daacad ah u sheegto bilawga inaad go’aankan qaadatay, oo aad u filayso in ay tahay wax u fiican horumarka qoyskaaga, inaad rajaynayso inaad daryeesho caruuraha oo aad barbaariso. Waa inaad muujisaa inaad u filayso in ilmaha oo daryeelka barbaarinta loo fidiyaa aanu ahayn mawduuc ceeb ah, laakiin daryeelkaiyo barbaarinta carruurta aanad dhalin ay tahay waajib bulsho oo dabiici ah.

Haddii dadka aad la la sheekaysatay ay ka qabaan diidmo ama nacayb ku saabsan carruurta la korinayo, ha bilaabin khilaaf – kaliya dhegayso ama u sheeg inaad fahantay fikirkoodaas way isbedeli karaa markay la kulmaan caruur sidaas ah.

LIISKA SHAQSIYADA KHEYRAADKA EE SHABAKADDA

Ka dib markaad la hadasho deriska, asxaabta iyo qoyska, ka fikir saddex qof oo aad u maleyneyso inay leeyihiin dabeecad wanaagsan oo ku wajahan xaaladaada daryeelka baarbaarinta. Isweydii sida dadka kheyraadka ah ay u caawin karaan shaqadaada mustaqbalka.

Haddii ay jiraan dad leh dabeecad xun oo ku wajahan daryeelka barbaarinta ama qaba nacaybka ka dhanka ah carruurta la korsado (“Sidee ku heli kartaa ilmo aadan qaraabo ahayn?”).