Casharka Kalfadhiga 14/21
Bogga 2/7 Khariidaynta aqoontaada xirfadeed ee ku saabsan dhalinyaradaKhariidaynta aqoontaada xirfadeed ee ku saabsan dhalinyarada
Waa maxay waxyaabaha laga filayo iyo caqabadaha u soo baxa daryeelayaasha, marka ilmuhu gaadho qaan-gaarnimada oo uu noqdo kuray? Waxaan horeba u haysanay waayo-aragnimo qiimo leh oo ka timid dhallinyaradeenna.
Hawsha ugu horraysa waa waraysi laba-iyo-laba ah oo ku saabsan waayo-aragnimadaada ku aaddan caqabadahaaga dhallinyaranimo. Waxaad kooxda kaga wada hadli doontaan sidii aad khibradahan ugu isticmaali lahayd in aad fahanto oo aad ula shaqeyso dhalinyarada nolol maalmeedkaaga
LAYLI: MAXAYNU KA GARANAYNAA WAQTIGEENII MARXALADII DA’AYARNIMADEENII?
Waraysi Labo- labo
20 daqiiqo
Isticmaal su’aalahan soo socda si aad isugu wareysataan labo-laba, midkiiba 10 daqiiqo
- Xaalad noocee ah ayaad la soo kulantay markaad ka gudnaysay marxaladii caruurnimada ee aad u gudbaysay qaangaarnimadaadii?
- Sidee buu isku bedelay xidhiidhkaagii bulsho ee aad la lahayd asaagaa?
- Sideed ula kulantay isbeddellada muuqaalka ee jidhkaaga?
- Sidee bay u beddelmeen aragtidaada, hab-dhaqankaaga iyo mawqifkaaga aad ka qabtay waalidkaa/daryeelayaashaada?
- Maxay sameeyeen waalidkaa iyo dadka kale ee waaweyn si ay kuu caawiyaan – maxay wax aan waxtar kuu lahayn sameeyeen?
- Gabagabadii: Maxaad u malaynaysaa in uu ahaa waxa ugu adage e ay waalidkaa la soo kulmeen markii ay ku korinayeen?
WADA XAAJOODKA KOOXDA
15 daqiiqo
Isticmaal waayo-aragnimadaada si aad uga hadasho oo aad u qorto saddex qiyam oo muhiim ah kuwaas oo lagama maarmaan u ah daryeelayaasha la shaqeeya da’yarta.
Qiyamka 1: Da’yarteenu waxay nooga baahan yihiin inaan muujinno… (tusaale ahaan ixtiraam iyo faham, hagitaan, nidaam)
Qiyamka 2: Da’yarteenu waxay nooga baahan yihiin inaan…
Qiyamka 3: Da’yarteenu waxay nooga baahan yihiin inaan…