Casharka kal fadhiga 1/19

Bogga 2/5: Adiga ayaa khabiir ku ah shaqadaada daryeelka iyo barbaarinta.

Adiga ayaa khabiir ku ah shaqadaada daryeelka iyo barbaarinta

Khubarada iyo daryeelka iyo barbaainta ee sameeyey barnaamijkan ma yaqaanaan wax walba gaar ahaana adiga kuma yaqaan, qoyska aad wax u barbaariso ama ilmaha gaarka ah ee aad daryeesho. goob kasta ama barbaariye kasta waxuu leeyahay hab ama nidaam  gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, tababarkanu waxaad ka helaysaa aqoon badan oo ku saabsan daryeelka iyo barbaarinta   guud ahaan shaqooyinka, laakiin kaliya adiga ayaa og daryeelkaaga barbaarinta iyo ilmahaaga sidaas darted waxaad tahay khabiirka shakhsiyadaas leh iyo daryeele iyo barbaariye khaas ah. Barnaamijku maaha wax aad baranayso oo aad qabanayso oo kaliya. Waxaan soo bandhigeynaa aqoon guud ka dibna waxaad si firfircoon u go’aansanaysaa sidii aad isticmaali lahayd si aad u diyaarsato habraacyo habdhaqan oo kuu gaar ah. Waxaan rajeyneynaa in mas’uuliyaddani mid ku lug leh arintan ay kaa dhigi doonto, dhiirigalin shaqada dhankeeda ahna aad ka hesho

MA HELAYSAA QOF AAD KALA SHEEKAYSATO WAX KU SAABSAN DARYEELE IYO BARBAARIYE CARUUREEDNIMADA?

Waalidiin badan oo ah barbaariyeyaal caruureed ayaa ku nool meel ka fog magaalooyinka waxayna la kulmaan dhibaatooyin iyo walaac sababtoo ah waxay shaqeeyaan kaligood. Tababarkan, waxaad taageero ka heli doontaa macalinkaaga iyo tababarka, waxaadna heli doontaa fursad weyn oo aad ku abuurto shabakad xidhiidh bulsho oo aad la yeelato waalidiinta kale ee barbaariyeyaasha ah ee barnaamijkan tababarka. Shabakadaas oo aad u isticmaali karto taageero ahaan xitaa marka uu tababarka dhamaado ka dib. Markaa, fadlan la hadal waalidiinta barbaariyeyaasha ah ee kale oo si furan ugala xaajoo   wixii dhibaato ah iyaga iyo macalimiintaba.