Casharka kal fadhiga 1/19

Ukurasa 3/5: Mawduuca A: Sida loo adeegsanayo barnaamijka tababarka.

Mawduuca A: Sida loo adeegsanayo barnaamijka tababarka.

Barnaamijka tababarku waxa uu ka koobanyahay laba qaybood oo aasaasi ah: Kaadhka dhibcaha (Scorecard-ka) iyo waxqabadkaaga xiliga kulanada casharada tababarka. Qaybta ugu muhiimsan ee tababarku waa doodahaaga iyo fikradaha ku saabsan waxaad barato inta lagu jiro tababarka iyo sida waxbarashadani ay kaaga caawin karto horumarinta daryeelkaaga ubadka.

SIDA LOO ISTICMAALO CASHARKA KAL FADHIGA 15-aad

Habka tababarkan, waxaa ka wada shaqayn doona lix ka mid ah 19-ka cashar ee kalfadhiyada adiga iyo macalinkaaga.  Tababarka waxaa loo nidaamiyay si macalinkaagu tilaabo kasta kuugu hago, isagoo kuu kordhinaya xirfado badan oo karti daryeel barabaarin bixineed ah.

Tababarku markuu dhamaado, waxaa lagugu soo dhawaynayaa inaad sii wadato waxbarashadaada adiga oo sii wadanaya casharada kal fadhiyada hadhay.

 

Maxuu ka koobanyahay casharka kalfadhigan?

Dhammaadka casharka kalfadhi kasta, macalinku wuxuu ku weydiin doonaa inaad qorto ama xasuusato sida aad ugu dhaqmi doonto fikradahaaga iyo qorshayaashaada ilaa laga gaadhayo casharka xiga.

Waxaan kugula talineynaa inaad haysato xusuus-qor haddii ay suurtagal tahay – badanaa waxaad arki kartaa isbadelka markaad dib u eegto, waxaadna heli doontaa qoraallo qiimo leh oo aad la wadaagi karto ilmaha aad barbaarinayso marka uu weynaado. Wax kasta oo indho-indhayn ah oo aad qorto ama diiwaan geliso, waa in aanay isticmaalin ama arkin cid kale oo ah dadka ka baxsan barnaamijkan tababarka. Agabkan waa mid dhawrsoon.

Halkan waxaa ah tusaale macalin wax baraya koox hooyooyinka SOS ah. Fadlan u fiirso sida uu macalinku uga qayb galinayo ka qaybgalayaasha si ay u hadlaan.