Casharka Kal fadhiga 1/19

Bogga 4/5: Mawduuca B: Layliga ugu horreeya ee barnaamijka.

Mawduuca B: Layliga ugu horreeya ee barnaamijka: Aqoontaada shakhsi ahaaneed ee ku saabsan ku-xidhnaanta iyo ka-tagga.

Boggaan waxaad ka heleysaa layliga ugu horreeya si uu kaaga caawiyo inaad ogaato aqoonta qiimaha leh ee aad horey u leedahay ee ku saabsan sida ay carruurtu uga falceliyaan marka ay ka tagaan daryeele-yaashoodii hore. Tani waxay kaa caawin doontaa inaad fahamto sida aad u isticmaali karto waaya-aragnimadaada nololeed iyo kheyraadka xagga fahamka iyo la shaqaynta ubadka la barbaarinayo. Wareysiyada dhexmara waalidka barbaariye-yaasha ah, ama u waalidka barbaariyeyaasha ah iyo kormeereyaasha.

  • Ujeedada waraysigu waa in la ogaado waxa aad ka taqaano ku xidhnaanshaha dadka muhiimka ah ilaa intaad waynaanayso, iyo waliba sida aad uga falcelisay kala tagista marka aad waynaatay. Intaa ka sokow in laga wada hadlo sida waalid barbaariye ah oo kasta uu u adeegsado waayo-aragnimadiisa carruurnimo marka uu ku shaqeynayo xirfada daryeelka barbaarinta caruurta.
  • Halkii ka qaybqaate waxuu midka kale waraysi la yeelanayaa 20 daqiiqo.
  • Ka dib qofkii wax waraysanayay ayaa oo isagana markiisa lawaraysanayaa oo qofkii kale is badaleyaan.
  • Wareysiyada ka dib, waxaad midba midka kale falanqayn doonaa aqoontiisa.

Kaliya weydii su’aalaha oo dhegayso jawaabaha. Fadlan ha carqaladayn qofka jawaabaya,ee  si fiican u dhegayso.

WAREYSI

Bilawga noloshaada:

  • Sidee bay ahayd xaaladda waalidkaa markii hooyadaa ay uur yeelatay – halkee ayay ku noolaayeen, imisa jir ayay ahaayeen, imisa carruur ah ayay dhaleen?
  • Ma ogtahay sidii ay ahayd xaalada uurka hooyadaa iyo dhalashadaadu? (Waalidkaa wax sheeko ah ma ka sheegeen?)
  • Yaa ku soo barbaariyay laga soo bilaabo dhalashadaada iyo ilaa aad ka soo gaadhaysay 3 sano?
  • Waa maxay habka soo jireenka ah ee loo daryeelo dhallaanka dhaqankaaga?
  • Maxuu ahaa waxa ugu wanagsan ee qaabka waalidkaa kuu daryeeli jireen?
  • Waa maxay qiyamka nolosha qoyska ee aad arinkaas ka heshay?
  • Waa maxay xaaladda ugu ammaansan uguna raaxada badandayd ee aad tan iyo yaraantaadii ku xasuusan karto waalidkaa ama daryeelehaagii?
  • Maxuu ahaa kafogaanshahii uhoreeyay ee uu qofkaa tago ee ugu adkaa ee aad xasuusan karto, ha ahaado mid wakhti dheer ah ama muddo gaaban ah?
  • Sideed uga falcelisay arintaas – maxaad u malayn, maxaad dareentay, maxaad samaysay?
  • Sideed isku dayday inaad ula tacaasho kala fogaanshahan – maxaad ku fikirtay, maxaad dareentay oo aad samaysay? (U xanaaqida daryeelaha? “caloolxumo ayaan qaaday?” waxaan isku dayaya in aan iloobo ama iska indhotiraan si kastaba ha ahaatee?, waxaan dareemay murugo?)
  • Muxuu ahaa waxii ugu waxtarka badnaa ee ay dadka waaweyn kuu sameeyeen si ay kaaga caawiyaan inaad ka gudubto xaaladii kal fogaanshaha  ee adkayd?


    Horumarkaaga xirfadeed:

    • Maxaa ku dooratay in aad noqoto waalid barbaariye ah?
    • Iyada oo aad ku saleynayso khibtadaad noloshaadii carruurnimo: Waa maxay qiyamka aasaasiga ah ee adiga kuugu muhiimsan xirfale daryeel barbaarinta ahaan – adiga maxaa kuugu muhiimsan dhanka daryeelka barbaarinta  caruurta?

    Horumarkaaga xirfadeed:

    • Sideed u aragtaa ama dareen noocee ah ayaad ka qabtaa ilmaha aad barbaariso?
    • Maxaa ugu faa’iidada badan uguna adag waxqabadkaaga maalinlaha ah?
    • Miyaad xasuusataa mid ka mid ah dhibaatooyinka caaruurta qabsada yaraantaada? Sidee fahamkan loogu isticmaali karaa habka aad ula shaqeyso ilmaha?
    • Maxaad u malaynaysaa inay kuugu muhiimsan tahay inaad qabato si aad u noqoto xirfadle daryeel barbaarineed oo ka wanaagsan?
    • Muxuu lammaanahaagu/kormeerahaagu qaban karaa si uu kuugu caawiyo horumarkan?