Casharka Kalfadhiga 20/21

Bogga 2/7: Waa Maxay sababta aynu uugu diga-roganayno Waalidinta Caruurta dib uula midoobay Bulsho? Istaraatiijiyada cusub ee Hay’adda SOS waxay sheegaysaa:

Waa Maxay sababta aynu uugu diga-roganayno Waalidinta Caruurta dib uula midoobay Bulsho? Istaraatiijiyada cusub ee Hay’adda SOS waxay sheegaysaa:

Tuulooyinka Caruurta, SOS waxaa la aasaasay sanadkii 1949-kii iyagoo ahaa guryo daryeel iyo waxbarasho tayo leh, si caruurta agoomaha ah looga ilaaliyo in ay saameeyaan dagaalada sokeeye iyo qalalaasahu. Hadda, doorka Tuulooyinku waa dhiirigelinta iyo taageerada dhisidda awoodda heer qaran ee bulshooyinka. Qorshaha cusub ee Hay’adda SOS ee 2030 iyo Barnaamijka Tayada daryeelka caruurta ee caruurta daryeelka waalidkooda waayay” waxay xooga saaraysaa xaqa ay caruurtu u leeyihiin in ay ku koraan dhaqankoodii ay asal ka u lahaayeen. Marka la gaadho Sanadka (2030) inta badan caruurta tuulooyinku waxay la noolaan doonaan Waalidiin-tooda SOS oo ah walidiin bulsho amaba waxay dib-uula midoobi doonaan qaraabadoodii. Casharkani waxa aynu ku qorshaynaynaa marxaladda kala guurka ah ee  caruurtu la noolaanayso Waalidiinta caruurtoodii dib ula midoobay bulshada (Sida Caruurta waalidkood dib loogu celiyo, fadlan qaybtan 21 eeg).

Waxaa lagu  ogaaday  daraasado tijaabo ah oo ku saabsan hababka  koriinka caruurta iyo dhalinyaraddu in uu si xawli ah u fiicnaado ka dib marka loo guuro waalidka bulshada dhexdeeda Sidoo kale, Waalidiintii hore ee SOS oo hadda ka mid ah bulshada deegaanka waxa ay xaqiijiyeen inay si ka wanaagsan sidii hore u horumareen.

Warbixintu waxay muujinaysaa in dib-uula midoobida iyo is-dhex-galka guulaystay uu u baahan yahay hab tartiib tartiib ah, kaas oo Waalidiinta iyo Caruurtuay qayb ka yihiin, si wanaagsana loo qorsheeyay. 

Isbeddelkan weyn ee hab-nololeedku wuxuu u baahan yahay qorsheyn iyo falanqayn  kooxeed iyo doodo badan oo carruurta lala yeesho ka hor inta aan  laga faa’iidaysan la noolaanshaha iyo is-dhex-galka bulshada.

 

Agaasimaha tuulada caruurta SOS CV Botswana Kitso Mothswari ayaa qeexaya ka guuritaanka xerada SOS logoa guurayo daryeelka bulshada dhexdeeda ilaa sannadkii 2016

Waxyaabo  muhiim ah: in ay caruurtu helaan daryeel sugan xiliga kala-guurka ah.

Kumanaan Caruurta Tuulooyinka SOS  mid ah ayaa ku guulaystay waxbarasho iyo nolol ay u horseeday Barnaamijka Daryeelka nolol tayo leh oo waarta ee ay ka helaan Waalidiinta SOS.

Aqoontaada iyo Waayo-aragnimadaadu waa in ay anfacdaa/wax-tartaa caruurta oo ay dareemaan deganaan iyo xasilooni dhamaan heerarka marxaladda kala-guur ka ah ee ay u digo-roganayaan dhaqan kooda maxaliga ah. Caruurtu kaliya waxa ay xasilooni dareemi karaan hadii Waalidiintooda Hay’adda SOS ay yihiin kuwo u diyaarsan in ay bulshada la noolaadaan.