Casharka Kalfadhiga 20/21

Bogga 6/7: Mawduuca D: Horumarinta xirfadaha wax ku oolka ah ee carruurta iyo dhalinyarada

Mawduuca D: Horumarinta xirfadaha wax ku oolka ah ee carruurta iyo dhalinyarada

 

Mawduuca D wuxuu soo gudbinayaa fikrado iyo tilmaamo lagu caawinayo carruurta iyo dhallinyaradu inay si wanaagsan ula qabsadaan  Bulshada

Wuxuu ahaa qof la daryeelo, wuxuuna noqdoy qof isku filan  

Maxaa ay Cilmi-baadhisyada tijaabada ahi inooga sheegayaan horumarka togan ee carruurta?

Waalidiinta SOS waxay yeeshaan xirfadaha xidhiidhka bulshada. Qaarkood waxay bilaabaan ganacsigooda yar-yar, waxayna ku biiraan kooxaha wax kaydsada, dawn-wadaag, iwm. Caruurtooda, waxaa caqabad weyn ku ah ka wareejinta adeegyada iyo hawl maalmeedka Tuulada caruurta SOS marka ay u guurayaan nolosha bulshada – xirfadaha ay barteen ee cusub, waa inay u isticmaalaan la qabsiga deegaanka cusub. Waqti ka dib, waayo-aragnimadani waxay ka dhigi doontaa inay noqdaan kuwo isku kalsoon. Carruurtu waa inay si dhakhso ah u bartaan la qabsiga, in kastoo ay shaki badan ka qabaan sidii ay saaxiibo u yeelan lahaayeen oo ay u baran lahaayeen xirfad kasta oo cusub: Sida looga gorgortamo qiimaha cuntada ee suuqa, sida loo daryeelo xoolaha, sida loo raaco baska dugsiga iyo sida loo bixiyo biilka, iwm.

Dhaqamada Afrikaanka: Sida ugu wanaagsan ee carruurtu u bartaan xirfado wax ku ool ah

Dhaqamada soo jireenka ah ee tuulooyinka, carruurtu waxay si dabiici ah u barteen xirfado maalmeed laga soo bilaabo dhallaannimadii. Beeralaydu waxay ahayd mid waarta oo la qiimeeyo daryeelka deegaanka. Caruurtu waxay u fiirsadeen oo ay ku daydeen hab-dhaqanka dadka waaweyn iyo walaalahooda ka waaweyn, waxayna u caawiyeen hadba da’dooda inta ay caqli ahaan garanayaan. Ma jirin wax u dhexeeya shaqada iyo wakhtiga firaaqada: hees hawleedyada, ciyaaraha, iyo dabaaldeg xilliyeedku waxay ahaayeen kuwo inta badan la sameeyo.

Sidee ayay Waalidiinta SOS ugu dabiqi/isticmaali karaan aqoontooda dhaqanka ee qiimaha leh si ay caruurta uugu tababaraan xirfado bulsho oo la taaban karo ama wax ku ool ah?

Isku-dubbaridka xirfadaha muhiimka ah iyo xidhiidhka hirgala

Marka laga hadlaayo Qoyska daryeelka siiya ama koriya ilmo aanu dhalin, carruurtu waa inay ahaadaan ka qaybqaatayaal firfircoon dhanka nolol maalmeedka qoyska. Tani macnaheedu maaha inay qabtaan dhammaan shaqada guriga. Waa muhiim in la helo dheelitirka u dhexeeya shaqooyinka, shaqada dugsiga, iyo ciyaaraha iyo nashaadyada firaaqada ee ilmo kasta. Marka ay barayaan xirfadaha maalinlaha ah, daryeelayaashu waxay ka dhigi karaan mid la xidhiidha shaqada. Si ay caruurtu u dareemaan ammaan, kala hadal dareenkooda, welwelkooda, riyooyinkooda iyo fikirradooda. Sidaas, ayay ku bartaan xirfadaha dhabta ah ee ay u baahan doonaan ka dib markay ka tagaan daryeelka, waxayna dareemi doonaan sharaf iyo masuuliyad

Waa kuwan tusaalayaal wax loo bari-karo dhallaanka, carruurta iyo dhallinyarada:

Ku tabobar xirfadaha caruurta noloshooda hore
Ciyaarta iyo madadaalada waa hormoodka xeerarka waxbarashada iyo xirfadaha. Waalidkan daryeelka caruurta SOS waxa uu isticmaalaa habka ku dayashada si ay ubadku u dareemaan ammaan iyo deganaansho. Waxay baraan sida uu ugu dayan lahaa dareenkeeda iyo dhaqankeeda, iyo sida loola dhaqmo qof kale. Tani waxay ilmaha u horseedaa inuu dareemo inuu leeyahay habfikir sugan, sidaa darteed, waxa uu sameyn karaa sida kubbadda cagta loo ciyaaro.

 

 

Xirfadaha iyo ciyaaraha loogu talo-galay carruurta yaryar

Halkan waxaa aynu ku soo gudbinaynaa mid ka mid ah Waalidka daryeelka caruurta SOS oo la shaqaysa carruurta yaryar. Waxa ay daadihinaysaa  hawlo wax ku ool ah, isla markaana waxay la wadaagaysaa sheekooyin farxad leh si ay u dareemaan  hanweyni iyo xiiso  xirfadaha cusub ee ay barayso – sida dharkaaga maydho.

Besides skills training, she also knows that traditional play activities make children laugh and enjoy living. Play makes children build physical strength, control their body, learn social cooperation, and how to follow simple rules. Here are a number of traditional African games you can apply.

 

 

Xirfadaha iyo casharada loo qorsheeyay carruurta waaweyn iyo dhalinyarada

Marka ay carruurtu koraan, tababarka xirfadaha waxaa loogu daraa barashada qiyamka, akhlaaqda, diinta iyo u diyaargarowga nolosha ka dib daryeelka iyaga oo baranaya farshaxan faa’iido u leh, ogow sidaad naftaada u ilaalin lahayd.

Halkan, hooyo waayo-arag ah – oo sidoo kale ah hooyada daryeelka caruurta – ayaa inooga warramaysa ku-hagidda dhallinyarada nolosha, iyaga oo u dhaqmaya sida wanaagsan ee ku dayashada mudan