Casharka Kalfadhiga 20/21

Bogga 5/7: Mawduuca C: Dejinta koox yar sida qoys guri oo bulshada dhexdeeda ah

Mawduuca C: Dejinta koox yar sida qoys guri oo bulshada dhexdeeda ah

Laga soo bilaabo layliskii aynu ku soo marnay Mawduucyada A iyo B, waalidiinta iyo carruurtaba si fiican aya loo wargeliyay dhammaantood.

Fadlan ku soo koob toban daqiiqo khibradaha aad ka heshay  qorshe-hawleedkii B:

Maxaan ka baranay Kulankii xog-iswaydaarsiga Tuulada caruurta SOS?

Dhamaan waalidiinta iyo carruurta la nool bulshada cusub

Waxaa jira laba shay oo muhiim u ah ka mid ahaanshaha saxda ah ee bulshada cusub:

Waalidiinta iyo carruurtu waa inay samaystaan ​​xidhiidh bulsho oo cusub oo ay la samaystaan- Jaarka iyo carruurtooda, hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, wadhatada waddooyinka ama suuqyada, macallimiinta dugsiyada iyo ardaydaba.

In laguu ogolaado in aad bulshada ka mid noqotaa waxay kaaga baahantahay qorshayn.

Arinka labaad ee muhiimka ahi waa in aad ka qaybgeliso carruurtaada iyo dhalinyaradaba hawlaha maalinlaha ah iyo in aad u xilsaarto  masuuliyado. Kaliya markaas ayay kori doonaan oo ay noqon doonaan kuwo isku kalsoon, una noolaan karaan sida dadka kale ee qaangaadhka ah.  Inta badan Carruurta ku xidhan shaqooyin maalmeedyo kale oo Tuulada dhexdeeda ka socda howshan cusubi way ku adkaan kartaa amaba waxay ku noqon karaa caqabad.

 

Bal aynu wada dhagaysano (dhugano) waayo-aragnimadda  Hooyo Tulipo!

Hooyo Tulipo waxay SOS ka bilawday shaqada waalidnimo, kadibna waxay noqotay hooyo daryeesha caruurta. Halkan waxa ay ku sharaxaysaa horumarkeeda shakhsi ahaaneed iyo guulihii ay ka gaadhay daryeelka iyo koritaanka carruurteeda:

Qorshayn kooxeed: Sidee ayaynu ula xidhiidhi karnaa bulshada cusub?

Baahida loo qabo xogta furan waxay sidoo kale khuseysaa xubnaha bulshada. Macluumaad ama xog la’aani, waxay sababi kartaa in la qaato fikrado xun oo ceeb iyo nacayb dhex dhigi kara Waalidiinta caruurta dib ula midoobay bulshada iyo carruurta ku koraysa waalid la’aanta.

Halkan waxaan ku soo gudbinayna qaar ka mid ah soo jeedinta hawlahaas, – fadlan adna ku dar fikradahaaga.

1. Kulamo wadareedyada lala yeelanayo hoggaamiyeyaasha bulshada, saraakiisha dawladda iyo guud ahaan adeegayaasha bulshada

Culimada diinta iyo Aqoon-yahanka bulshadu waxa ay muhiim u yihiin ka mid noqoshada ama ka qaybgalka sax da ah iyo taageerada mustaqbalka ee xubnaha guriga:  Dood-kooxeed lagu martiqaado Agaasimaha Tuulada ama maamulaha  mashruuca waa in  loo diyaariyaa mid mid amaba si gooni, gooni ah si ixtiraam iyo qadarin loogu muujiyo  madaxda iyo waxgaradka bulshada.

Fadlan, sidoo kale ku martiqaad oo ku soo biiri masuuliyiinta deegaanka iyo shaqaalaha bulshada, marxalada iyo sharciga cusub una sheeg ciwaanka SOS ee Waalidka iyo carruurta, kuna wargali cid kasta oo qaraabo ah isbeddelka socda.

2. Kulan isku-soo dhawaansho ama is-barasho oo lala yeesho deriska cusub

Maamulaha mashruuca iyo hooyada ayaa kulan aan caadi ahayn guriga cusub isugu yeedhaya waalidiinta xaafada.. Maamuluhu wuxuu sameynayaa hordhac gaaban oo ku saabsan sababta ay carruurta SOS ugu baahan yihiin inay dib ula midoobaan bulshadooda, sidoo kalena loo baahan yahay ​​taageeradooda. Hooyadu waxay sharraxaysaa shaqadeeda iyo sida ay u rajaynayso inay barato deriskeeda cusub

Maareeyuhu wuu baxayaa, waxaana bilaabmaya kulan aan caadi ahayn oo shaah iyo cunto uun ku kooban. Hooyadu waxa ay waydiinaysaa sida ay u baran karto una ixtiraamidoonto deriskeeda cusub iyo caadooyinka iyo hawlaha kale ee ka jira deegaanka. Waxay waydiinaysaa su’aalo kasta oo ku saabsan hooyo daryeelsah caruur aan waalidkood la noolayn. Dhammaadka kulanka, waxay soo abaabushay xaflad yar oo ay deriska ku casuuntay , halkaas oo iyada iyo waalidiinta kale ay  isku duba-rideen barnaamijyo  iyo ciyaaro, si ay carruurtu isu bartaan.

 

3. Ku soo dhawaynta carruurta ee dugsigooda cusub

Waalidka Carruurta SOS iyo macallinka dugsigu waa ina qabanqaabiyaan kulan ay la yeeshaan macallimiinta dugsiga wax ka dhigi doonta. Isbarasho ka dib, macalinka joogaa waa in uu sharaxaa mowqifka iyo fikirka ubadka, kartida wax-barashada, iyo hab-dhaqanka fasalka. Hooyaduna waa in ay tilmaantaa awoodaha shucuureed iyo bulsho ahaanba. Ugu dambaynta, hadii ay jiraan baahiyo gaar ah ama naafanimo, sida naafada jidheed, fadlan eeg hagaha dib-ula Dib ula midoobida, b. 22.

Maalinta ugu horeysa ee ilmuhu dugsiga ku soo biiro, macalinku wuu soo dhawaynayaa ilmaha wuxuuna farayaa ardayda ay isku fasalka yihiin inay soo dhaweeyaan. Haddii ilmuhu ogolaado, macalinku wuxuu sharxi karaa sida ilmuhu ugu noolaa tuulada, oo hadda uu rajeynayo inuu helo saaxiibo cusub.

Haddii Tuulada aysan ka fogeyn dugsiga, fasalku wuxuu booqan karaa tuulada, wax ka baran karaa nolosha tuulada, iyo ciyaaraha, sidoo kale waxaa   laqabanqaabin karaa xaflado bulshada loo qabto

Qorshaha Shaqada Mawduuca C: Dood-kooxeedka iyo falanqayn (Kiis barasho) ku saabsan sida loo yareeyo khataraha

  1. sidee baan soo jeedintan u waafajin karnaa waayaha xaaladaha inagu xeeran?
  2. Si loo odoroso, loogana hortago khataraha ay suurtagalka tahay in ay dhacaan, fadlan akhri oo kala hadal hooyada daryeesha Ubadka ee SOS iyo gabadha ay daryeelayso ama ay korinaysoa
  3. Fadlan, u samee qorshe sidii bulshada loogu soo dari lahaa qoyska daryeelaya caruurta.
  4. Fadlan u samee qorshe joogto ah oo waraysiyo dabagal ah lagula yeelanayo waalidiinta iyo carruurta marxalada kala guurka ka dib.