Casharka Kalfadhiga 20/21

Bogga 4/7: Mawduuca B: U diyaargarowga dood furan oo lala yeesho carruurta iyo dhallinyarada

Mawduuca B: U diyaargarowga dood furan oo lala yeesho carruurta iyo dhallinyarada

Kahor intaanad bilaabin Mawduuca B

Fadlan, dib u koobis ku samee Qorsha- hawleedka A ee ku saabsan mowduucyada ay ka qaybgalayaashu ay tahay inay ka hadlaan. Ka qaybgalayaashu ma dareemayaan inay u baahan yihiin inay la kulmaan lana hadlaan khabiir dhanka cilmi-nafsiga ah? Aan hubinno in dhammaan waalidiinta kooxdeenu ay sameeyeen diyaargarow fiican ayna qorsheeyeenn sidii loo wargelin lahaa carruurta.

 

Ka hortagga dib-dhaawacid maskaxeedka  carruurta

Carruurta ku nool Tuulooyinka SOS waxa ay hore u soo arkeen kala tag xanuun badan, taas oo inta badan maskaxdooda dhaawac weyn  soo gaadhsiin karta, gaar ahaan marka ay u soo dego-rogganayaan Tuulooyinka SOS.

Marka ilmaha lagu wargeliyo inay tahay inuu ka tago goobta uu ka heli-jiray dareyeel sugan, xidhiidh nabdoon iyo ku xidhnaanta saaxiibadii iyo shaqaalaha goobta ee uu laqabsaday, waxa uu soo xusuusan karaa cabsidii hore ee waalidkiisii iyo saaxiibadii waxayna abuuri kartaa kala fogaansho xad dhaaf ah, walaac, walbahaar iyo dareeno kale oo xun.  Dareenkan waxaa loo yaqaan dib u dhaawacid ama dib u xasuusasho dhaawac maskaxeed hore kuu soo gaadhay

Soo jeedinta soo socota iyo falaanqaynteeda ayaa inaga caawin doonta in aynu ka hortagno dib-u-dareemiska dhaawaca maskaxda ee carruurta iyo dhallinta iyadoo la siinayo khibrad wanaagsan oo ku saabsan marxaladda kala guurista.

Gabadh ayaa inala wadaagaysa aragtideeda  ku wajahan isku diyaarinta marxaladda kala guurka ah ee Tuuladeedii SOS iyada iyo hooyadeedii SOS iyo riyooyinkeeda mustaqbalka.

Sidee ayay carruurta iyo dhallinyaradu uula qabsan doonaan?

Marka loo eego da’dooda iyo taariikhdooda, carruurtu si aad u kala duwan ayay uga jawaabi doonaan warka iyo macluumaadka soo gaadha. Raadqaadyada, iyo carruurta yaryari, waxa ay filanayaan in halkan ay weligood sii joogidoonaan.  Waxay u baahan doonaan dammaanad la qabsi jidheed iyo fahan ku saabsan deegaanka cusub.

Caruurta waaweyn iyo kuwa dhallinta ahiba waa laga yaabaa inay marka hore u hiloobaan inay ka tagaan Tuulada caruurta SOS oo ay ka mid noqdaan bulshada, haddana waxay weli dareemi doonaan xasilooni la,aan iyo cabsi ku saabsan  xaaladda kala guurka ah.

Milicsi 10 daqiiqo ah: Sidee buu mid ka mid ah carruurta ama dhallinyartu uuga jawaabi doonaa?

Hooyo kasta waxay inala wadaagaysaa sheekada hal ilmo ama dhallinyaro oo ka mid ah caruurta ku nool gurigeeda:

  • Ilmahan ama da’yartani weli ma dareemaa cabsi iyo walaac xoog leh oo kala fogaansho ah, kaas oo ay uugu wacan tahay xusuuso hore oo naxdin leh taas oo ku dhacday ka hor intayna ku soo biirin tuulada caruurta SOS? Mise inta badan wuu farxan yahay/tahay amaba dad-dhex gal fiican yahay/tahay, xitaa marka ay wax lama filaan ahi dhacaan?
  • Sidee buu ilmahani caadiyan uga jawaab celiyaa isbeddelka maalinlaha ah ama joogtada ah? Tusaale ahaan, sidee ayuu uga jawaabay bilaabista dugsiga, amaba lakulanka dadka iyo meelaha cusub?
  • Waa maxay rajada ama danaha uu ilmuhu ka leeyahay oo lagu fulin karo bulshada dhexdeeda?
  • Adigoo kaashanaya aqoonta aad u leedahay ilmahan, bal noo sheeg habka aad uula hadasho isaga ama iyada ee uugu fiican?

    Dood kooxeed ah 30 daqiiqo:

    Xubin ka mid ah kooxda ayaa soo bandhigaysa fikirradeeda ku saabsan sida ay u wargelin lahaayeen mid ka mid ah ubadkooda sii yaryar ama carruurtooda yaryar iyadoo kooxduna ay dhegaysanayso. Kadib, xubnaha kooxdu waxay la wadaagi doonaan fikradahooda ku saabsan habka ugu wanaagsan ee wax loogu sheegi karo ilmahan. Xubin kale ayaa soo bandhigi doonta fikradaheeda ku saabsan wargelinta ilmaheeda ka koray ama dhalinyarta ah. Kooxdu way dhegaysan doontaa ka dibna waxay ka dhiiban doonaan fikradahooda. Markaa, fadlan la falanqee ama kala hadal:

    Sidee ayaynu uugu wargalin karnaa ilmaha yar ama dhalinyarada ah, iyadoo la tixgelinayo awoodaha iyo baahiyahooda gaarka ah?

     

    Work plan topic B: Informing children and youth

     

    Talada ama waanada gabadha yar oo 11-jirka ahi ay siinayso  carruurta kale ee ka guuraya tuulada caruurta SOS: “Hadii aan idinla wadaago waayo-aragnimadayda, carruurtu waa inay ku dadaalaan sidii ay ula shaqayn lahaayeen Waalidiintooda SOS. Waa in ayna ka baqin inay guuraan, waa inay ku fekeraan ama is-waydiiyaan: “Waxaan fursad u heli doonaa in aynu sameysano saaxiibo cusub, Insha Allah waad ku guuleysan doontaan imtixaanadiina, kaliya isku diyaariya inaad wax walba si sax ah u sameysaan, ka dibna waad ku farxi doontaan”

    Halkan waxaan ku soo bandhigi doonaa fikrado iyo soo jeedinno ku saabsan wada-hadallada iyo ciyaaraha ama nashaadyada si carruurta iyo dhallinyaradu u fahmaan waxa looga jeedo guuritaanka ama isku diyaarinta marxaladda kala guurka. Waxay si firfircoon uga qayb qaadan karaan geeddi-socodka waxaana laga maqli karaa fikradahooda. . Qorshe-hawleedku  wuxuu ka kooban yahay laba tallaabo.

     

    Tallaabada 1: Sheeko furan oo lala yeesho carruurta ku nool  guri  kasta oo  Hooyo SOS ahi joogto

    Guriga nabdooni waa meel ku haboon in carruurtana loogu sii carbiyo oo lagu diyaariyo marxalada kala guurka ah ee mustaqbalka. Ka feker wakhti ku haboon, sida wakhtiga casarka iyo waqtiga aynu cabno shaaha casariyaha galabnimo ama fiidkii oo ah wakhtiga  dhammaan carruurtu guriga joogaan.

      Talooyin ku haboon wargelinta carruurta

      Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah siyaabaha   loola hadlo carruurta, gaar ahaan inta lagu gudo-jiro isku diyaarinta marxaladda kala guurka:

      • Dooro meel iyo waqti aad adiga iyo carruurtaaduba ku xasilantaan. Uuga sheekee sheeko ku saabsan waayo-aragtinimadaadii iyo wadadii adiga laftaadu aad soo martay marxaladii dib-u-dejinta ama isbedelkii, iyo waxaad ka baratayba.
      • Ilmaha ugu sheeg si degan oo wanaagsan suurtogalnimada ah in aad ka tagi karto/ka guuri karto wakhti mustaqbalka ka mid ah
      • Haddii ay carruurtu kaga jawaabaan mudaaharaad, cabsi ama murugo, u ogolow inay muujiyaan dareenkooda oo ay ka hadlaan fikirradooda. Ha isku deyin in aad hadalka ka joojiso, hana isku deyin inaad ka dhaadhiciso faa’iidooyuinka in ay halkan ka guuran. Sii wakhti ay dareenkooda ku muujiyaan oo ay ku falceliyaan.
      • U xaqiiji carruurta inaad weli u ahaan doonto Hooyadood, laakiin kaliya ay bulshada is-dhex gal la samaynayaan.
      • U sheeg carruurta inaad marar badan ka wada hadli doontan xaalada kala guurka inta aydaan guurin ama wax isbedel ah dhicin   oo xaalad kasta la qaybsan doontid.

        Kooxdu waxay samayn kartaa qiimayn iyo fikir-wadaag kadib kulanka ka dhacay guriga:

         

        • Sidee bay carruurtu uga jawaabeen warka?
        • Ma jiraan carruur muujisay calaamado ah in ay dib u xusuusteen dhaawac maskexeed hore – ma u baahanahay in loogu yeedho dakhtar ku takhasusay cilmi-nafsi oo dhaya ama daaweeya maanka caruurta dareemaysa dhaawaca maskaxda?
        • Ma jiraan carruurta u baahan in waalidkoodu la yeeshaan la sheekaysi maalinle ah?
        • Su’aalihii caruurta ka yimid tee baa ay tahay inaan uuga jawaabno?
        • Waa maxay casharrada aynu ka baranay wargelinta carruurta?

        Tallaabada 2: Kulan xogeed loogu talagalay dhammaan carruurta Tuulada

        Waa in la qorsheeyaa kulan lagu wargelinayo dhamaan caruurta tuulada, Waa maxay sababta arin tani ay muhiim u tahay?

        Xitaa haddii hal waalid kaliya uu qorsheynayo inuu isku diyaariyo marxaladda kala guurka ah, warku wuxuu si dhakhso ah ugu faafi doonaa dhammaan shaqaalaha, iyo carruurta Tuulada SOS waxayna yeelan doonaan wada sheekaysi  dhexmara shaqaalaha. Si looga fogaado isfaham la’aanta carruurta iyo welwelka ku saabsan waxa ku dhici doona, waxaa muhiim ah in la diyaariyo kulan xog-ururin ah oo lala yeesho dhammaan waalidiinta iyo caruurta tuulada. Shaqaalaha kale, sida maamulayaasha barnaamijka iyo macalimiintu way ka qayb qaadan karaan waxna way ku biirin karaan.

        Fadlan, soo jeedintan u dhig sida uugu haboon:

        • Caruurta guri kasta oo tuulada SOS ah iyo hooyadood waxa loo sameeyay kooxayn.
        • Agaasimaha Tuulada ama maareeyaha mashruuca ayaa soo bandhigaya sababaha guud iyo waqtiyada isku diyaarinta marxaladda kala guurka
        • Hooyo hore uuga shaqayn jirtay daryeelka caruurta SOS aya soo bandhigaysa waayo-aragnimadeeda waalidnimo ee ay ha heshay bulshada.

        Hal ama laba qof oo dhallinyaro ah oo hore uugu noolaa daryeelka korinta caruurta ayaa sharaxaya waayo-aragnimadooda ka hor iyo ka dibba, iyo waayo-aragnimada ay hadda ka heleen ku noolaanshaha bulshada dhexdeeda. Siday saaxiibo u samaysteen, markay bilaabeen dugsiga, xirfadaha ay barteen iyo talooyinka ay u soo jeedinayaan  carruurta kale.

        Shaqo Wadareed: 15 daqiiqo:

        Carruurta ka socota koox kasta waa in ay Falanqeeyan oo ay su’aalo weydiiyaan Waalidiintooda iyo labada qof ee dhallinyarada ah. Waalidiinta SOS waa in ay  soo bandhigaan su’aalaha dhagaystayaasha, iyo jawaabaha shaqaalaha ee khuseeya.