Casharka Kalfadhiga 20/21

Bogga 3/7: Mawduuca A: isku-diyaarinta in aynu xaalada kala guurnka (Diga-rogano)

Mawduuca A: isku-diyaarinta in aynu xaalada kala guurnka (Diga-rogano)

Hirgelinta Badbaadadda Nafsi-ahaaneed

In aad ka tagto shaqadaadii iyo hawl-maal meelkeedkaagii caadiga ahaa waxay inta badan sababtaa hubaanti la’aan, rajooyin, welwel iyo walbahaar.  

Tani waa falcelin iska dabiici ah oo inta badan la dareemo ama dhacda marka lala qabsanayo isbeddelada waaweyn ee la sameeyo. Nafsi ahaan, hawsha inoo taal waa in aynu ka wareegno ama ka guurno xaaladan nabdoon ee Tuulada Caruurta SOS oo aynu abuurno deegaan cusub oo amaan ah kaas oo ay hagayaan  Waalidiin bulsho oon madax-bannaan. Hadaba hawshan, qaybta ugu muhiimsani waa in aynu ka wada hadalno oo aynu si wadajir ah u qorshayno, ilaa inta Waalid kasta oo ka tirsan Waalidiinta SOS ahi uu ka dareemayo kalsooni, iyo deganaan in uu ka guuro. Hadaba waxaa is waydiin mudan, maxay arintani muhiim u tahay?

 

 

 

 

 

 

 

 

Hooyo ka tirsan SOS oo ka hadlaysa sida loo diyaariyo carruurta ka hor inta aan laga wareegin n Tuulada caruurta SOS

Caruurtu kaliya waxa ay deganaan iyo xasilooni dareemaan marka daryeelayaashoodu ay dareemaan deganaan  iyo xasilooni

Caruurta iyo da’yrata lagu xanaaneeyo Goobaha Daryeelka Caruurtu waxa ay aad uugu nugul yihiin dareenka ay mar kasta ka arkaan daryeelayaashooda. Haddi ay dareyeelayaashu  dareemayaaan ama qabaan cabsi yo welwel badan oo ku saabsan isbeddelka mustaqbalka, caruurtuna waxa i ay dareemi karaan welwel ah in ayna haysan daryeele sugan. Carruurtu waxa ay kaga falcelini doonaan hab-dhaqan aan haboonayn sida muran, caasinimo, murugo, ama iyagoo luminaya kalsoonida daryeelaha. Daryeelahana way ku adkaataa inuu xaaladaas maareeyo maadaama ay tahay isbedelka weyn oo nolosha iyo shaqada ah, ilaa dhammaan shakigaas iyo dhibaatooyinka laga wada hadlo lana xalliyo mooyaane. Hadaba, sidee ayaynu taas u samayn karnaan?

 

Dhammaanteen isbeddelka waxa aynu uuga jawaab celinaa siyaabo kala duwan

Waa wax iska dabiici ah in aad dareentid  woxoogaa cidhiidhi ah amaba farxad marka aad marxalad ka guurayso. Jawaabahan soo socda waxaa dareenkooda inagula wadaagaya laba ka mid ah waalidiinta SOS ee dalka Botswana

Hooyo A:“Tuuladan aad ayaan u jeclaa oo muddo 16 sano ah ayaan ku noolaan jiray – kani waa gurigayga aan jeclahay, dhammaan asxaabtayduna halkan ayay ku noolyihiin! Habeenkii ma seexan karo, sababtoo ah, waxaan ka walwalaa dhammaan su’aalaha ay naftaydu is waydiiso sida: maxaan ku idhaahdaa carruurta – miyay ooyi doonaan? Deriskayga cusub ma i qaabili/aqbali doonaan? Sideen dakhli u samayn karaa? Maxaa dhacidoona haddiiba aan u baahdo dhakhtar ilmaha yar ii daaweeya – yaan waci karaa, yaase bixinaya lacagta? Ma laga yaabaa in ay noloshu fiicnaan doonto?

 

Hooyada B: “Aad ayaan u nafisay – hooyo barbaariso ahaan, hadda waxaan samayn karaa go’aamo aniga ii gaar ah, anigoo bulshadana ku xidhan.  Dabcan, waan tabi doonaa dhammaan asxaabtaydii aan kula noolaa tuulada caruurta SOS. Laakiin, waxaan samaysan karaa xidhiidho cusub, deriskuna way ka faa’iidaysan karaan markaan la wadaago xirfadahayga iyo waayo-aragnimadaydaba. Sidoo kale, qaraabadayduna hadda way isoo booqan karaan wakhti kasta oo aan jeclahay. Had iyo jeer waxaan ku riyoon jiray inaan bilaabo ganacsi yar, waxaana laga yaabaa in hadda aan riyadaas hirgelin karo. Carruurteyda ma jeclaysan doonaan amaba aad bay uga niyad jabi doonaan sameynta saaxiibo cusub, laakinse waxay dareemayaan inay la mid yihiin dhammaan carruurta kale ee bulshada aanu ka mid ka nahay.  

Kahor inta ay naan caruurta diyaarin lana wadaagin warka,, waxaa haboon  inaan nafteena u diyaarino si aan u dareeno yididiilo   rajo iyo kalsooni;

Aan ku bilowno Kooxda Daryeel bixiyeyaaal caruureed oo daryeelkooda lagu kalsoon yahay.

Si aad si fiican ula qabsato inta hawsha lagu jiro, kooxdani waxa ay ku siinaysaa fursad ay kugula wadaagaan dhammaan waxyaabaha aad dareemayso sida welwelka, rajada iyo qorshayaashaadaba si xor ah. Kooxdani waxay yeelan doontaa shirar joogto ah ilaa iyo inta aad kanoqonaysaan waalidiin SOS, oo si fiican bulshada dhexdeeda uuga dhisan. Kulamada waxaa hagi doona kooxda dib ula midoobida deegaankaaga, amaba xubin shaqaale ah oo loo tababaray sida macalinka Fairstart. Macluumaadka  kooxda lala wadaagaa  waa inay ahaadaan kuwo sir ah oo qarsoon.

Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa ajandahaaga koowaad:

 

Dood-kooxeed 30 daqiiqo: waaya-aragtinimadeena iyo rajooyinka mustaqbalka

Fadlan soo bandhig oo uuga hadal si xor ah mudo nuse saac ah – amaba in ka badan haddii loo baahdo:

Mudo intee le’eg ayaad ka mid ahayd Waalidka Caruurta SOS?

  • Waa maxay faa’iidooyinka aad ka heli karto Ku noolaanshaha tuulada caruurta SOS ?
  • Maxaad is leedahay way ku dhaafeen ama way kaaga lumeen qaab nololeedka noocan ah?
  • Marka loo eego cabirka ah hal (walwal ma leh) ilaa shan (aad u walaacsan):
  • Ma dareentaa werer marka aad ka fikirto in aad ka baxayso tuulada caruurta SOS una baxayso bulshada dhexdeeda??
  • Maxay kula tahay in aad ka heli doonto dib-ula midoobida bulshada?
  • Sidee bay nu xogta u wadaagi doonaa, isu diyaarin karnaa, iskuna kaashan karnaa inta aan hawshan wadno?

Mawduucyadan waa in la  falanqeeyaan inta dhamaan ka soo qaybgalayaashu ay ka fahmayaan, waxana suurto gal ah in dhawr shir looba baahdo

Qorshaha Shaqada Mawduuca: A

Hooyo kastaa waa in ay  samaysataa qorshe shaqo oo iyada u gaar ah, si ay isugu diyaariso kulanka soo socda:

Su’aalo,  waxa aan u baahanahay inaan kala hadlo oo aan caddeeyo, si aan u dareemo kalsoonida ah in aan haysto xog fiican, degenaansho iyo diyaargarow ku saabsan guuritaanka?

Kadib markaad samaysato qorshe-hawleedka, fadlan jadwal u samee kulan kooxeedka soo socda ee Mawduuca B.