Casharka Kalfadhiga 21/21

Bogga 3/6: Mawduuca B: Sidee ayay hooyooyinka SOS ugu diyaar garoobi karaan marxalada kala-guurka ah?

Mawduuca B: Sidee ayay hooyooyinka SOS ugu diyaar garoobi karaan marxalada kala-guurka ah?

Mawduuca B, waxa aad ku arki doontaa hab-raac shucuureed  aad muhiim u ah oo loogu diyaar garoobayo dib-u-midoobida  qoyska: Sidee ayay Hooyooyinka SOS u dareemi karaan ammaan iyo wanaag marka ay ilmahooda wareejinayaan?

Sidee ayay hooyooyinka SOS isugu diyaarin karaan in ay ubadka wareejiyaan?

Carruurta iyo dhallinta ku jirta goobaha daryeelka ku meel gaadhka ah aad bay ugu nugul yihiin shucuurta daryeelayaashooda. Gaar ahaan shucuurta iyo dareenka Waalidkooda SOS.

Aad bay muhiim u tahay in waalidka SOS ee ubadka uu dareemo ammaan oo uu ku qanco in dib uula midoobida ay dani ugu jirto ilmaha. Waalidka xirfadda leh iskama dhigi karo qof deggan markuu ubad u gacan gelinayo dadka kale, ilaa dhammaan shakiga iyo welwelka si qoto dheer looga wadahadlo oo la xalliyo.

Waalid kasta oo ka mid ah waalidinta SOS wuxuu kala kulmaa xaalad murugo leh karka ay ubadka qoyskoodii dib uugu celinayaan:  dareen xanuun leh oo ku salaysan ka go’itaanka uu ilmu ka go’ayo caruurtii uu jeclaa:  Sidoo kale, cabsida laga qabo sida ilmahu ama dhallinyarantu uga jawaabi doonaan su’aalaha kaga imandoona caruurta kale – miyay lumin doonaan mise way sii lahaan doonaan xidhiidh nabdoon?

Si kastaba ha ahaatee, dib-ula midoobidu  maaha in la sameeyo kala-goyn naxdin leh. Aqbalaada dhabta ah waa geedi socod dheer oo si tartiib tartiib ah ilmahana loola wadaagayo qaraabadiisa, lagana caawiyo ilmaha in uu ku daro xidhiidho cusub oo aamin ah kuna xidhaya qoyska uu asal ahaan ka soo jeedo. Taasi waxay qaadanaysaa wakhti in dareenka laga beddelo “Kani waa ilmahayga” oo loo beddelo “Kani waa ilmaheenna”.

 

 

Dhegeyso qisadan ka hadlaysa sheeko xiiso le  oo dhex martay hooyada jacaylka badan ee SOS iyo qoyska: gabadh yar oo qoyskeedii dib-uula midowday ayaa muddo ka dib loo soo bandhigay inay muddo bil ah ku soo noqoto hooyadeed SOS ee tuulada caruurta – laakiin taasi may dhicin waayo waxay noqotay mid aad ugu xidhan daryeelka walaasheed, taas oo ay ku adkaatay in ay go’aansato in ay dib uugu soo  noqoto Tuulada in muddo ah!

Dood-kooxeedka 60 daqiiqo:

 

Fadlan isku day inaad la wadaagto dareenkaaga, shakigaaga iyo rajadaada:

  • Waa maxay dareenkeena shakhsi ahaaneed, marka aan ilmaha u wareejineyno qaraabadiisa?
  • Miyaan la kulmaa kala fogaansho adag oo igu adkaynaysa aqbalida marxaladaas?
  • Miyaan u baahanahay la-talin maskaxeed si aan u aqbalo dib-u-midowga?
  • Sidee bay isu-keenida qoysku u saamaynaysaa ku xidhnaanshaha iyo xidhiidhka aan la leenahay carruurta?
  • Sidee bay dib-u-midoobida qoysku u saamaynaysaa shaqadayda mustaqbalka?

Mawduucyadan dhowr jeer ayaa laga doodi karaa inta lagu jiro hawshana, ilaa laga gaadhayo nafiijo iyo aqbalaad wanaagsan.

Su’aasha iska caadiga ah ee soo socota waa: maxaa la tixgelinayaa marka la samaynayo dib-ula midoobida ilmo yar ama dhalinyaro ah?