Casharka Kalfadhiga 21/21

Bogga 6/6: Mawduuca E: Yaraynta khataraha iyadoo laga warhaynayo isu qoyska iyo ilmaha dib u midoobaay

Mawduuca E: Yaraynta khataraha iyadoo laga warhaynayo isu qoyska iyo ilmaha dib u midoobaay

Daraasado tijaabo  ahaa oo ku saabsanaa dib-uula midoobida, SOS waxay ku ogaatay khataro badan kuwaas oo u baahan doona in la siiyo fiiro gaar ah inta aad shaqaynayso si aad ula socoto dib-uula-midoobida ka dib:

Kala fogaanshaha iyo muddada kala maqnaanshaha ee ilmaha iyo qoyska asalka ah

Ilmaha ku soo koray tuulada – ama duruufo kale – waxa laga yaabaa inay sababto ka fogaansho dhanka dhaqanka maxalliga ah, sida ku xidhnaanta qaraabada. Kurayga ama dhalinyaradu waxa laga yaabaa inay barteen luuqad kale oo aan ahayn afkii ay ka yimaadeen. Waxa laga yaabaa inay maskax kale yeelatay, lagana yaabo inay ka madax bannaan tahay, ka aqoon badan tahay, oo ka dhego-nugul tahay sida caadiga ah ee dhaqanka asalka ah. Sidoo kale, waxa laga yaabaa inay lumisay xidhiidhkii shucuureed ee qaraabada, oo ay bilawgii horeba u arkayeen qariib. Heerka waxbarasho ee dhallinyaradu waxa laga yaabaa inuu ka sarreeyo kan dugsiga cusub. Ardayda fasalka dhigata ayaa laga yaabaa inay faquuqaan sababtoo ah kala duwanaanshahan.

 

Macluumaad ururin: Warqadaha aqoonsiga iyo helitaanka adeegyada bulshada

Halkan waxaan ku soo gudbinaynaa tusaale ka hadlaya caqabadaha sharcigi ah ee dib-ula midoobida caruurta ee qoysaskoodii: – Agaasimaha heer Qaranka ee Tuulooyinka Caruurta ee SOS ee dalka Ethiopia, Sahlemariam Abebe: “Carruurteenu waxay si sharci ah ugu diiwaan gashan yihiin caruur daryeel la yiiyo ah. Carruur iyo dhalinyaro badan oo khatar ku sugan   sida kuwa darbi-jiifka ah ayaan awoodin inay helaan kaarka aqoonsiga ee u suurto gelinaya inay helaan daryeel caafimaad, dugsiyo dawladeed, baasaboor iwm. Waxaad heli kartaa kaarka aqoonsiga oo keliya haddii mulkiilaha guri ama hanti diiwaan gashan lihi uu ku damaanad qaado. Tani waxay caqabad ku tahay waalidiin iyo carruur badan.”

 

La socoshada qoyska iyo ilmaha ama dhalinyarada inta lagu jiro sanadka ugu horeeya

Dib-ula midoobida dhaqameed iyo shucuureed waxay bilaabatay kaliya wakhtiga dib-u-midowga, dabagal lagu sameeyaana waxay muhiim u tahay guusha mustaqbalka fog. Cilmi baadhis la sameeyay ayaa waxay tilmaamtay in welwelka ay dareemaan  Hooyada SOS, qoyska iyo caruurtu  uu aad u sarreeyo kahor iyo inta lagu jiro sanadka ugu horreeya ee dib-ula midoobidda ilmaha ee qoyskiisii asalka ahaa.. Waxaana lagu garan karaa isku dhacyo soo noqnoqda, khilaafyo iyo cabashooyin ka yimid dhammaan dadka ku lugta leh.

Adeegso habka xoojinta xidhiidhka ilmaha inta ay socdaan wada-tashiga iyo dooduhua, si aad u lafagurto oo aad uugu xalliso dhibaatooyinka si deggan oo nidaamsan.

Dabagalka joogtada ah ee sanadka ugu horeeya waa in lagu daraa latalinta qoyska, si loo xaliyo wixii caqabado ah ama khilaafaad ah.

Dood-kooxeed iyo qorshayaal shaqo

  • Sideen ugu wargelin karnaa una diyaarin karnaa ubadka ama dhalinyarada inay la qabsadaan dhaqanka deegaanka?
  • Sideen uga shaqayn karnaa si aan uga hortagno nacaybka iyo ka saarista jawiga maalinlaha ah?
  • Sideen ugu fududayn karnaa habraacyada sharciga ah shaqaalaha dawladda?
  • Xaggee iyo goorma ayaan la socon doonnaa xaaladda qoyska iyo ilmaha?