Casharka Kalfadhiga 21/21

Bogga 4/6: Mawduuca C: habka Khariidad u samaynta xidhiidhka ilmaha iyo dhalinyarada ee waalidkood

Mawduuca C: habka Khariidad u samaynta xidhiidhka ilmaha iyo dhalinyarada ee waalidkood

Maxaa ay tahay in laga wada hadlo oo la qorsheeyo marka la doonayo dib-ula midoobida qoyska ee ilmahaama dhallinta?

Sideense aynu u samayn karnaa qiimayn sax ah oo ku saabsan dhammaan xidhiidhka bulsho ee qofka?

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Goorma ayuu ilmaha ama qofka yari diyaar u yahay dib-uula-midoobidda qoyska?

Hawsha ah doorashada ubadka ama dhalinyarada ee dib ula midoobida qoysku waa hawl shakhsi ahaaneed. Kiis kastaa waa gaar. Dhammaan ujeedooyinka casharka iyo agabka kale ee la xidhiidha, fadlan tixraac buug-gacmeedkan.

Cilmi-baadhis ayaa lagu ogaaday,  in guusha ugu muhiimsan ee dib-u-midowga ubadka iyo waalidku ay tahay helitaanka xidhiidh nabdoon oo sugan.

Samaynta doorashada saxda ah ee ilmaha ama dhalinyaradu waxay ku xidhan tahay tilmaanta iyo hagista maamulayaasha iyo Waalidiinta SOS, aqoontooda dhow ee ilmaha, iyo wada shaqaynta dhow ee shaqaalaha dhexdooda. Si lagaaga caawiyo inaad gaadho go’aamo xog ogaal ah, kuwani waa khibradaha laga helay mashaariicda dib-uula midoobida- iyo cilmi-baadhis ku qotonta daryeelka xilliyada kala-guuraka ah. Wa macluumaad guud  waxaana laga yaabaa inaanay khusayn ilmaha gaarka ah – fadlan ku dar fikirkaaga xirfadeed gaar ahaan kiis kan.

Goorma ayay ilmaha ama dhallinyaradu diyaar u yihiin beddelka daryeelayaasha?

Si guud ahaaneed, carruurta da’ kasta leh waxay xaq u yeelan karaan dib-u-midaynta qoyska. Ficil ahaan, dhalinyarada ayaa inta badan sameeya dib uula midoobida.

Ilmuhu inta uu yar yahay, waxa uu awood u leeyahay in uu si fudud uula qabsado xaalada kala guurka ah ee uu ka dega-roganayo qoyskii hore ee uu ku biirayo mid cusub.  Cilmi-baadhis la sameeyay ayaa lagu ogaaday in carruurta da’doodu ka yar tahay saddex sanno ay inta badan awoodaan inay daryeelaha cusub la yeeshaan xidhiidh nabdoon:  Waxaa la ogaaday in dhalaanka iyo socod baradkuba ay mudo sanad ah ka dib u arkaan daryeelaha cusubo in uu yahay waalidkoodii dhabta ahaa. Sidoo kalena ay la qabsadaan nolosha cusub.

Isbaddelku wuxuu ku noqon karaa caqabad Carruurta da’doodu u dhaxayso saddex ilaa kow iyo toban sano,  gaar ahaan haddii ay heli kkaraan wakhti yar oo ay si ammaan ah uugu xidhnaadaan  Waalidkooda SOS. Da’dan, muhiim ayay u tahay in ay helaan xirfado, ciyaaro iyo kobcitaan waxbarasho si ay u helaan xasilloonida niyadeed iyo tu jireedba. Isbedelku waxa laga yaabaa inuu carqaladeeyo kartida ubadku u leeyahiin inaywax ka qabtaan dugsiga, iyo in ay joogteeyaan xidhiidhka ka dhexeeya caruurta bulshada ay la noolyihiinba.  Isku soo wada duuboo waxay u baahan doontaa dhiirigelin heer sare ah oo ka timaada ilmaha, iyo xirfado waalidnimo oo sugan oo qoyska dhexdiisa ah.

Dhallinyaradu waxay inta badan awoodaan inay fahmaan oo ay muujiyaan baahidooda iyo rabitaankooda, oo ay sameeyaan doorashooyin xog ogaal ah oo ku saabsan dib isugu-keenida qoyska. Da’dan, sidoo kale waa iska caadi in laga tago daryeelayaasha waalidka oo aad bilowdo nolol madaxbannaan. Dhalinyaradu waxay waayo-aragnimo u leeyihiin nolosha ka baxsan Tuulada, waxayna badanaa leeyihiin rabitaan ah inay ka mid noqdaan bulshada. Bilawga qaan-gaadhnimadu waxay sababi kartaa xasillooni-darro shucuureed iyo mid jireedhba, sugitaanka qaan-gaadhnimada waa in la tixgeliyaa.

 

Carruurta la nool baahiyaha gaarka ah  ama naafinimadda

Dib-uula midoobida- carruurta naafada jidheed ama maskaxeed qabtaa waa caqabad weyn oo ka jirta bulshooyin badan. Waxaa lagu talinayaa in isu imaatinka qoyska ugu horreeya ay la socdaan carruur ama dhallinyaro wacyi-geshan oo laga filayo inay la qabsan karaan isbeddelka.

Shaqaaluhu waxay siin doonaan khibradda dib-u-dhexgalka naafada ee aadka u adag. Hageyaashan leh waayo-aragnimada ee laga soo min-guuriyay Bariga iyo Koonfur Afrika waxay kaa caawin karaan inaad qorsheyso habka

 

 

Dood- kooxeed 30 daqiiqo:

Fadlan kala hadal oo samee qorshe shaqo adoo maankaaga kaashanaya:

  • Maxay yihiin fikradeheena ku saabsan da’da ubadka ama dhallin-yarada aynu is waydiinayno?
  • Waa maxay faa’iidooyinka iyo halista da’da ay tahay inaan tixgelinno?
  • U diyaargarowga ubadka ee dib u midoobida: sideen u adeegsan karnaa aqoontan?

Marka xigta, waxaad isticmaali kartaa qalab qiimeyn sax ah oo ku saabsan curaarta iyo lifaaqyada badan ee ilmaha.

 

Sida loo isticmaalo habka xoojinta xidhiidhka ilmaha iyo qoyska 

Sideen ku heli karnaa dulmar guud oo ka hadlaya curaarta iyo xidhiidhada ugu muhiimsan ee ilmaha, oo aan u fahamno ilmaha aragtidiisa ku aaddan cidda uu ku xidhan yahay – ka hor, inta lagu jiro, iyo ka dib kulanka qoyska?

Waxaa muhiim u ah maamulayaasha iyo daryeelayaasha caruurta inay sameeyaan qiimeyn iyaga u gaar ah oo ku saabsan cidda uu ilmuhu sida wanaagsan ugu xidhan yahay.

Sidoo kale, si aad u ogaato aragtida u gaarka ah ee ubadka: yuu dareemaya ammaan iyo ku xidhnaan, yaase uu ka dareemayaa kalsooni darro?  Sidoo kale, sidee ayay qaraabadu u qeexaan xidhiidhka ay la leeyihiin ilmaha? Isticmaalka khariidadan waxay kaa caawin doontaa inaad hesho jawaabo waafiya.

Habka xoojinta xidhiidhka waa uu fudud yahay in la isticmaalo. Ujeeddaduna waa in dhammaan kuwa ku lug leh la siiyo guud-mar  dhamaystiran: Ilmo ama qof dhallinyaro ahi horta ayuu ku xidhan yahay? Yaa dareensiiya ammaan ama xasilooni darro?

Habkani wuxuu ku siinaysaa saddex xagal  aad ku qiimayso tayada xidhiidhka bulshada uu la laleeyahay ilmaha ama qofka dhalinyarada ahi:

Aragtida xirfadda, aragtida ilmaha, iyo aragtida qaraabada.

Fadlan lifaaqan gal  oo daabac Habka Xidhiidhka Ku-xidhanaanshaha Ilmaha iyo Dhallinyarada. Daabac inta loo baahdo, oo akhri buug-gacmeedka ka hor intaadan isticmaalin.

Waxaan kugula talineynaa isticmaalka khariidada/hab-raaca tallaabooyinka soo socda:

  • Hooyada SOS iyo maamulayaasha barnaamijka ayaa buuxiya Khariidadda xidhidhka: Waa maxay aragtida xirfadeed ee xidhiidhka muhiimka u ah ee ubadkan ama dhallinyaradda?
  • Aragtida ubadka: Qofka yaqaan ilmaha ama waraysiyada dhallin-yarada oo caawiya si uu u buuxiyo Khariidadda. Sidee buu isagu ama iyadu u qeexaysaa xidhiidhkooda muhiimka ah ee sugan ama aan laba hubin?
  • Booqashada guriga ee qaraabadaada: Soo bandhig oo ka caawi inay buuxiyaan Khariidad xidhiidhka.   Sidee bay u arkaan ku-xidhnaanshaha iyaga u gaarka ah ee ilmaha. Sidee ayay u malaynayaan in ilmuhu u arko iyaga?

Aragtidu way isbedeli doonta inta lagu jiro dib-u-dhexgalka, markaa fadlan mari khariidadda ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib isu imaatinka qoyska. Ka dib markaad isticmaasho khariidada mid ka mid ah saddexda tallaabo, fadlan ka hadal oo qorshee:

 

 

Dood kooxeed iyo qorshe shaqo 45 daqiiqo.

  • Saddexdan aragtiyood (xirfadleyaasha, carruurta, qoyska) ma isku raacsan yihiin mise aad bay u kala aragti duwan yihiin?
  • Sideen isku waafajin karnaa aragtiyaha ay kala wataan dhammaan dhinacyada ay khusayso?
  • Sideen u abuuri karnaan xidhidh nabdoon isla markaasna u xalin karnaa khilaafaadka jira?
  • Haddii qiimaynta aad samaysay ku tusto in ay muhiim tahay in aad sii wadato, waa waqtigii aad qorshayn lahayd tallaabada xigta:

La shaqaynta shaqaalaha dawladda, iyo u diyaarinta bulshada iyo qoyska sidii ilmaha loogu qaabili lahaa deegaan ammaan ah.