Casharka Kalfadhiga 20/21

Bogga 1/7: Hagaha maamulayaasha mashaariicda iyo SOS ee dib-u-dhexgalka caruurta iyo waalidiinta ee bulshadooda

Hagaha maamulayaasha mashaariicda iyo SOS ee dib-u-dhexgalka caruurta iyo waalidiinta ee bulshadooda

For re-integration program managers, please read this

Maamule, si aad u isticmaasho hagahan, fadlan hoos akhri

Hordhaca Mawduuca

Qaybtani waxay gudbinaysaa qaab-dhismeed talaabo-talaabo ah oo loogu talo galay waalidiinta Barnaamijka SOS iyo maamulkooda sida loogu diyaargaroobayo qorshaha ka diga-rogashada waalidiinta tuuladda caruurta ee loogu noqonayo Waalidiin Bulshadda ku dhex nool.

Casharadda afar-tan mawduuc waxay sharaxayaan sidii loo ilaalin lahaa badqabka maskaxeed ee waaliidiinta iyo caruurtooda, inta lagu gudda jiro iyo kadib ka guuritaanka tuuladda caruurta si ay ugu dhex noolaan karaan bulshada.

Mawduuca A: Sidee ayay Waalidiinta SOS isugu diyaarin karaan  xaalada kala guurka ah:

Mawduuca B: Sidee ayaynu u war-gelinaa carruurta ugana qaybgelinaa isbeddelkaas?

Mawduuca C: Sidee ayaynu uga caawin karnaa carruurta iyo dhallinyarada inay xidhiidh cusub oo nabdoon la yeeshaan dadka waaweyn iyo facooda bulshada kale?

Mawduuca D: Sida loogu tababaro xirfado wax ku ool ah oo loogu talagalay carruurta iyo dhalinyarada ka dib marka ay dib uula midoobaan bulshada 

 

Awoodaha/Kartidda la isticmaalo

  • Marxaladda kala guurka ah ee laga diga-roganayo waalidiinta SOS ee loo guurayo Waalidiinta caruurta dib ula midoobay bulshada, waxaa loo baahan yahay in si daah-furan loo wadaago waxyaalaha laga rajaynayo ama la filaayo.
  • Samaynta koox loogu talo-galay qorshayn in macluumaad wadaag – ka hor, inta lagu jiro iyo ka dib xaaladda kala guurka ah.
  • Xirfadaha ay tahay caruurta in la baro si ay u dareemaan deganaan iyo xasilooni dhamaan marxaladaha kala guurka ah
  • Xirfadaha kor loogu qaadayo xuquuqda caruurta inta hawshu socoto

    Ujeedada casharka  

    • Casharkani  wuxuu idinka caawin doonaa in aad is-kaashataan  isla markaasna isku diyaarinsaan Xaaladaha nafsiyeed ee xilliga kala guurka ah eed ka  guuraysaan noloshii tuulada si aad uula qabsataan nolosha cusub ee bulshada dhexdeeda