Casharka Kalfadhiga 21/21

Bogga 1/6: Dib-ula midoobida carruurta ee qoyska ay asal ahaan ka soo jeedaan

Dib-ula midoobida carruurta ee qoyska ay asal ahaan ka soo jeedaan

 

Please read this guide for program managers and SOS mothers 

Fadlan akhri hagahan maamulayaasha barnaamijka iyo hooyooyinka SOS

Hordhac mowduuca

Casharkani waxa uu ina siinayaa hab-talaabo-tallaabo ah oo loogu talagalay kulamo  is daba-joog  ah oo lala yeelanayo dhammaan dhinacyada ay khusayso dib ula midoobida ilmaha ama dhalinyarada ee qoyskooda. Kulamada waxaa qabta hal ama in ka badan oo ka mid ah maareeyayaasha barnaamijka dib-uula midoobidda ee SOS CV oo ay weheliyaan ama wata koox ka mid ah Hooyooyinka SOS. Mawduucyo afar ah ayaa qeexaya afarta tallaabo ee qorshaynta:

Mawduuca A: Hordhaca barnaamijka dib ula midoobida

Mawduuca B: Sidee ayay hooyooyinka iyo shaqaalaha SOS ugu diyaar garoobi karaan xaalada kala-guurka?

Mawduuca C: habka xoojinta xidhiidhka ilmaha iyo qoyska uu la midoobayo

Mawduuca D: La shaqaynta shaqaalaha dawladda, bulshada iyo qoyskaba

Mawduuca E: Yaraynta khatarta iyo la-socod ka dib midoobidda ilmaha iyo qoyska

Kartida la isticmaali karo

  • Aqoonta ku saabsan dib-ula midoobida- iyo isu-keenida qoyska iyo ilmaha
  • Xirfadaha la siinayo Hooyooyinka SOS, si carruurta iyo qaraabadooduba ay u dareemaan ammaan iyo xasilooni.
  • Qiimaynta xidhiidhka xoojinta ee hadda iyo mustaqbalka
  • La shaqaynta dawladda, bulshada iyo qaraabada
  • Yaraynta khataraha guud ee iman kara inta lagu jiro dib-ula midoobida ilmaha ee qoyskiisa 

Ujeedada Casharka

Casharkani wuxuu kaa caawin doonaa in aad, isku diyaarisid la qabsiga Xaaladaha nafsiyeed ee xilliga kala guurka ah, si ay carruurtu si dhamaystiran dib ula midoobaan waalidiintooda ama qaraabada