Casharka Kalfadhiga 21/21

Bogga 2/6: Mawduuca A - Hordhaca dib ula midoobidda

Mawduuca A – Hordhaca dib ula midoobidda

Maxay tahay micmaha dib-ula midoobid iyo dib-isugu-soo-noqoshada qoysku?

Ku socota dhammaan NGO-yada iyo dawladaha, tilmaamahan hagaha is-dhexgalka ayaa qeexaya dib-ula midoobidda:

“Habka ay ilmaha iyo waalidkiisu ay ku kala maqan yihiin waxa la filayaa inay noqdaan isbeddel joogto ah oo ilmaha ka caawiya in uu dib ugu noqdo qoyskiisa iyo bulshadiisa (caadiyan asal ahaan), uuna helo ilaalin iyo daryeel iyo inuu helo dareenka lahaanshaha iyo ujeedada dhammaan qaybaha nolosha.”

Casharkan, waxaan diiradda ku saareynaa fahamka iyo qorsheynta la kulanka qoyska ee waalidka ama qaraabada. Siyaabaha kale ee dib-u-dhexgalka bulshada deegaanka waa:

  • Ilmaha ama dhalinyarada waxa lagu lamaanayn karaa waalidka Daryeelka SOS ee deegaanka maxaliga ah (mawduucan waxa lagu sharaxay casharka 20aad)
  • Qofka dhalinyarada ahi wuxuu ka tagi karaa daryeelka xarumaha wuxuuna bilaabi karaa inuu si madax bannaan ugu noolaado bulshada dhexdeeda (mowduucan waxaa lagu sheegay casharka14 iyo 15aad)

• Ilmaha waxaa kafaalaha qaadi kara qoys deegaankiisa ka soo jeeda ama qaraabo ah.

Waa maxay sababta ay tahay in mudnaanta koobaad la siiyo dib ula midoobidda carruurta iyo dhallinyarada?

Istaraatiijiyadda cusub ee SOSCV 2030 ee dib-ula midoobidda carruurta ee bulshada, Hab ilmuhu uu mudnaanta leeyahay ayaa la adeegsadaa. Muhiimadda koowaad ee istiraatiijiyadu waa in la xaqiijiyo xaqa ilmuhu u leeyahay aqoonsigiisa dhaqan, qoys, iyo xidhiidhka bulshoba.

Waagii hore, carruurta iyo dhallinyarada ku nool Tuulooyinka nabdoon waxa laga ilaalin jiray khataraha kaga iman kara dhinaca bulshada iyo guud ahaan dayaca ku dhici kara carruurta. Xidhiidhkooda shucuureed ee muhiimka ah waxay ahayd Waalidkooda SOS iyo carruurta kale ee gurigooda SOS kula nool. Waad ku mahadsan tihiin waalidiinta iyo macalimiinta, natiijooyinkani aad bay u wacan u yihiin.

Waa maxay sababta loogu baahan yahay dib-ula midoobidda? Inkasta oo habkan ay Tuuladu raacday uu wanaajiyay korriinka carruurta, laakiin dhanka kale muu xoojin awoodda bulshada, si ay u daryeelaan carruurta.   Sidoo kale, Waalidiinta iyo carruurta SOS ayaa inta badan laga soocaa bulshadooda. Dhallinyarada ka baxday xarumaha daryeelka, waxaa caqabad ku noqday dib ula midoobidda qaraabadooda iyo nolosha bulshada maadaama ay ku soo koreen meel ammaan ah.

Agaasimaha Tuulada SOS ee dalka Itoobiya, Sahlemariam Abebe, ayaa sharraxaysa wax yaalaha cusub ee ay tahay in la siiyo mudnaanta: “Waxaa la ogaaday in tirada carruurta halista ku jirta ay sii kordhayaan, waxaana taasi sabab u ah isbeddelka cimilada iyo mashaakilaadka kale ee dhacaya.  Halkii aynu awooda saari lahayn sidii xal loogu heli lahaa caruurta tiradoodu yartahay eek u jira xeryaha caruurta lagu xanaaneeyo, waxaa haboon in aynu awoodayno dhamaan bulshada xataa hadii ay taasi noqonayso in ilmo kastaa uu helayo daryeel tayo ahaan kii hore ka hooseeya

Si taas loo sameeyo waxay u baahan tahay isbeddel mug leh oo maskaxeed oo ay ka qaybqaataan dhammaan dadka oo dhan: “Maanta, waalidiinta ay ku xeeran tahay  khatartu, waxay u maleynayaan tuulada caruurta SOS in ay tahay xalka ugu fiican ee ilmahooda. Hooyooyinka SOS waxay ka walaacsan yihiin inay guuraan, waana inay la qabsadaan dhaqanka iyo afka deegaanka. Carruurta iyo dhallinyaradu aad bay ugu xidhan yihiin hooyooyinkood. Waxayna aad uuga walaacsan yihiin inay ka tagaan hooyooyinkood oo ay bilaabaan inay la noolaadaan qoyskii iyo bulshadii ay ka yimaadeen.

 

Dood-kooxeedka 15 daqiiqo:

  • Waa maxay fikradaheena ku saabsanaa dib-u midoobidda?
  • Maxay yihiin faa’iidooyinka iyo caqabadaha aan saadaalin karno ee ku lamaan habkan aynu raacayno?
  • Fadlan isla qaata ama isku raaca saddexda shay ee aad uga baahan doontaan taageerada maamulka.

    Waa maxay habka uu ilmuhu mudnaanta leeyahay marka uu qoyskiisii dib uula midoobayo?

    Habka uu ilmuhu mudnaanta leeyahay micneheegu waa in codka carruurta iyo dhallinyarada la dhagaysto/loo dhug-yeesho dhammaan heerarka kala duwan. Waa in fursad loo siyaa siday u noqon lahaayeen ka qaybgalayaal firfircoon oo saamayn dhab ah ku leh dhammaan qorshayaasha la dajinayo iyo go’aamada la gaadhayo. Gaar ahaan, waa in ay fikrad ka dhiibtaan is beddelka xidhiidhkooda shucuureed ee Hooyadooda SOS iyo saaxiibada Tuulada, si ay xidhiidh nabdoon uula sameystaan ​​qaraabadooda iyo deriskooda. Inta lagu jiro daryeelka, waa in lagu dadaalo raadinta iyo isku xidhka qaraabada carruurta

     

     

     

    Isaga oo 34 jir ah, ilmihii  tuulada hore uugu noolaan jiray ee Eschalew hadda waa ganacsade guulaystay. Waxa uu weli xasuusan yahay xanuunkii uu dareemi jiray dhaqankii hore ee Tuulada ee aan ehelada loo ogolayn inay soo booqdaan. Taas oo qoyskiisa loo ogolaa in ay soo booqan karaan kaliya hal saac bishii. Tigist – oo hadda 25 jir ah – way ka yarayd, waxayna ku raaxaysan jirtay inay aragto qaraabadeeda had iyo jeer inta ay joogtay Tuulada caruurta.

    Afarta mabda’a ee laf-dhabarta u ah dib u midoobida qoyska

    Cilmi-baadhisaha ay sameeyaan wadamada Afrikaanka ah iyo kuwa caalamiga ahiba, tayada ugu muhiimsan ee xidhiidhka carruurta iyo ku-xidhnaanta daryeel-bixiyeyaasha ayaa waxaa lagu soo koobaa sidan: Inta badan sifooyinka la buuxiyo inta lagu jiro da’da carruurnimada, waxay ka qayb laxaadle ka qaadataa guusha ubadka ee ka dib qaangaadhnimada – waxbarashada, xirfadaha maalinlaha ah, iyo awoodda samaynta xidhiidhka  bulshada. Afartaa mabda’a ayaa hagi kara shaqadeena marka aan ka guureyno ku dhex noolaanshaha tuulada caruurta oo aan dib ula midoobayno qaraabada. Inta ay howsha socoto, carruurtu waxay u baahan yihiin:

    • Ku xidhnaanta shucuureed ee muddada dheer ee daryeelaha, iyo caawinta u wareejinta daryeele kale.
    • In ay noqdaan caruurtu xubno la soo dhaweeyo ama la aqbali karo oo ka mid ah kooxda cusub ee asxaabta ah.
    • Ilmaha iyo daryeelayaashoodu waa inay ahaadaan kuwo firfircoon oo xog ogaal ah.
    • Waa inuu jiraa heshiis u dhexeeya kuwa ubadka ku xidhan yahay, iyo kuwa go’aan ka gaadhaya noloshiisa: Maamulayaasha, Hooyooyinka SOS, waalidiinta iyo qaraabada, macalimiinta, iyo xubnaha kale ee  bulshada.

    Dood -kooxeedka 20 daqiiqo:

    • Fadlan ka wada hadla: side aynu uugu dabaqi karnaa hab-raacyadan qorsheynta dib-ula midoobidda?